Khayre oo ka qayb gelaya kulan sannadeedka Madasha Nabadda Paris

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa u safray dalka Fanasiiska oo uu uga qayb gelayo shirka sannadlaha ah ee madasha nabadda Paris oo socanaya Nofeembar 11-13, 2019.

Madasha nabadda Paris oo ah kulan sannadeed caalami ah, ayaa looga hadlayaa xal u helidda dhibaatooyinka ka jira daafaha caalamka.

Shirka sannadkaan ayaa waxaa ka qayb gelaya madax ka socota dalalka caalamka iyo hey'adaha caalamiga ah, waxaana

Wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah ayaa inta uu joogo France waxa uu kulamo doceedyo la qaadanayaa qaar kamid ah madaxda kala duwan ee kasoo qayb geleysa kulanka.

Dhanka kale, Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa safarkiisa Faransiisaka kadib waxuu tegayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium, oo uu kula kulmayo hoggaanka cusub ee midawga Yurub.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ee Faransiiska iyo Bulguim ayaa qayb ka ah dardar gelinta ajandayaasha horumarinta qaranka iyo dadaallada loogu jiro cafinta deynta lagu leeyahay qaranka Soomaaliyeed.

Socdaalkan ayaa kusoo aadaya xili uu maanta ka baaqday safar lagu wadday in uu ugu ambabaxo magaaladda Beledwayne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo uu ka socdo gurmadka fatahaadaha.

Sidda ay shaacisay Dowladda Federaalka, in ka badan lixdan kun oo ruux ayaa ku barakacay fatahaadaha, waxaana ku nafwaayey tobanaan ay kamid yihiin mas'uuliyiin dowladeed oo heer gobol ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka oo ku kulmay Muqdisho xilli xaraaradda doorashooyinku kordheyso

Sida ay ilo xog-ogaal ahi sheegayaan, kulankii ka dhacay Hotel Airport Golaha Mustaqbalka…

  • Soomaliya

    14-02-2026

  • 09:05PM

Turkiga oo Taangiyo Dagaal Keenay Soomaaliya

Ilo-wareedyo xog-ogaal u ah arrintan ayaa sheegaya in taangiyadan la geyn doono aagga degmada Warshiikh.

  • Soomaliya

    14-02-2026

  • 02:32PM