Khayre oo la kulmay ku xigeenka madaxa Bankiga Aduunka ee Afrika

Image
Image
Image

WASHINGTON, US – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa kulankii ugu horeeyay la yeeshay ku xigeenka madaxwaynaha Bankiga Aduunka ee Afrika.

Xasan Cali Khayre iyo Hafez Ghanem ayaa waxaa wadahadalkooda ku wehliyay mas'uuliyiin ka kala socday labada dhinac.

War qoraal ah oo lasoo bandhigay barta Twitter-ka ee wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ah ayaa lagu fahfahaahiyay waxa shirka looga hadlay.

Sida laga soo xigtay warkaasi, Khayre iyo Chanem ayaa ugu horeyn kawada xaajooday dib u habayta dowlada iyo cafinta deymaha.

"Waxaan kulan miro dhal leh kula qaatay Washinton, Guddoomiye ku xigeenka Bangiga Adduunka Hafez Ghanim oo aan ka wada hadalnay habsami u socodka barnaamijka deyn cafinta dalkeena iyo dib-u-habaynta nidaamka maaliyadeed ee hay'adaheedda dowliga a," ayuu yiri Khayre.

Soomaaliya ayaa haatan lagu leeyahay 4 bilyan oo dollar-ka Mareykanka ah, taasi oo ay qaateen xukuumadihii talada isaga kala dambeeyay.

"Iyo fursadaha horyaala Soomaaliya," ayaa laga soo xigtay qoraalka, oo xog intaasi dhaafsan aanan lagu soo qaadin.

Socdaalka Khayre ee Mareykanka oo qaadan doona maalmo ayaa la filayaa in uu kulamo kale la yeesho mas'uuliyiin sare oo kamid ah maamulka Trump iyo dalalka taageera dowlada federaalka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal culus iyo qaraxyo gaadiid ah kadib Al-Shabaab oo la wareegtay Moqokori

Waa degmadii labaad oo dowladda laga saarey tan iyo horaantii sanadkan, taasoo dhabar-jab ku ah maamulka Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    07-07-2025

  • 01:23PM

Maraykanka oo laga yaabo inuu wadahadallo la furo Al-Shabaab

Ujeeddada kulamadaas, ayuu sheegay, waa in la ilaaliyo danaha Maraykanka iyo in shacabka Soomaaliyeed.

  • Soomaliya

    07-07-2025

  • 07:20AM