Khayre oo ka degay caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kharye ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug.

Wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka ah, xildhibaanno, madaxa fulinta Galmudug, saraakiil ciidamada iyo qaybaha bulshada ayaa Khayre kusoo dhaweeyay madaarka Ugaas Nuur.

"Ra'iisul Wasaaraha socdaalkiisa Dhuusamareeb wuxuu qayb ka yahay qorshaha dhamaystirka dadaallada horumarinta Galmudug," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

Wasiirka koowaad ee dalka ayaa lagu wadaa in uu furo shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug kaasi oo loo muddeeyay in uu furmo 4-ta bisha September ee sanadkan.

Xafiiska ra'iisul wasaare Khayre ayaa shirkaasi ku tilmaamay "mid ay reer Galmudug uga tashanayaan aayahooda iyo dhismaha dowlad gobaleed loo dhanyahay".

Guddiga qaban-qaabada shirka ayaa shaaciyey in kulanka uu socon doono ugu yaraan tobban casho, inkasta oo ay ku xirnaan doonto hadba sida ay xaaladu noqoto.

Amniga magaalada ayaa sarre loo qaadey, waxaana la geeyay ciidamo dheeraad ah kuwaasi oo isugu jira booliska federaalka iyo cutubyo katirsan howlgalka AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM