Khayre oo ka degay caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kharye ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug.

Wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka ah, xildhibaanno, madaxa fulinta Galmudug, saraakiil ciidamada iyo qaybaha bulshada ayaa Khayre kusoo dhaweeyay madaarka Ugaas Nuur.

"Ra'iisul Wasaaraha socdaalkiisa Dhuusamareeb wuxuu qayb ka yahay qorshaha dhamaystirka dadaallada horumarinta Galmudug," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

Wasiirka koowaad ee dalka ayaa lagu wadaa in uu furo shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug kaasi oo loo muddeeyay in uu furmo 4-ta bisha September ee sanadkan.

Xafiiska ra'iisul wasaare Khayre ayaa shirkaasi ku tilmaamay "mid ay reer Galmudug uga tashanayaan aayahooda iyo dhismaha dowlad gobaleed loo dhanyahay".

Guddiga qaban-qaabada shirka ayaa shaaciyey in kulanka uu socon doono ugu yaraan tobban casho, inkasta oo ay ku xirnaan doonto hadba sida ay xaaladu noqoto.

Amniga magaalada ayaa sarre loo qaadey, waxaana la geeyay ciidamo dheeraad ah kuwaasi oo isugu jira booliska federaalka iyo cutubyo katirsan howlgalka AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM