Khayre oo lagu soo dhaweeyay Sudan xilli Farmaajo ka baaqsaday

Image
Image
Image
Image
Image

KHARTOUM, Suudaan - Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa gaaray caasimada dalka Sudan ee Khartuum.

Wafdiga Khayre waxaa garoonka diyaaradaha Khartuum kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Sudan oo uu hoggaaminayay madaxweyne ku-xigeenka ahna madaxa golaha wasiirrada dalkaasi, Bakri Xasan Saalax. 

Ujeedka safarka Khayre ayaa waxaa lagu sheegay inuu ka qaybgalo munaasabad ay heshiis nabadeed ay ku saxiixanayaan dowladda South Sudan iyo mucaaradka kasoo horjeeda, gaar ahaan Riek Machar taasoo dhacaysa saacadaha nagu soo aadan.

Inta uu Khartuum ku sugan yahay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa lagu wadaa inuu kulamo gaar-gaar ah la yeeshay masuuliyiinta qaarkood ee ka qaybgalaysa munaasabada, kuwaasoo kala hadli doono arrimo dhowr ah.

Khayre ayaa waxaa socdaalkaan uu u yahay kiisii ugu horeeyay ee uu ku tago dalka Sudan, waxaaan ka baaqday Madaxweyne Farmaajo, kaasoo qorshuhu ahaa marka hore inuu isaga ka qaybgalo, laakiin u xaadiri waayay sababo aan la shaacin.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Sudan, Jeneraal Cumar Xasan Al-Bashiir uu casuumaad usoo fidiyay Farmaajo, si ay u dhex-dhexaadiyo dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo dhawaan xiriirkooda xumaaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM