Khayre oo lagu soo dhaweeyay Sudan xilli Farmaajo ka baaqsaday

Image
Image
Image
Image
Image

KHARTOUM, Suudaan - Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa gaaray caasimada dalka Sudan ee Khartuum.

Wafdiga Khayre waxaa garoonka diyaaradaha Khartuum kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Sudan oo uu hoggaaminayay madaxweyne ku-xigeenka ahna madaxa golaha wasiirrada dalkaasi, Bakri Xasan Saalax. 

Ujeedka safarka Khayre ayaa waxaa lagu sheegay inuu ka qaybgalo munaasabad ay heshiis nabadeed ay ku saxiixanayaan dowladda South Sudan iyo mucaaradka kasoo horjeeda, gaar ahaan Riek Machar taasoo dhacaysa saacadaha nagu soo aadan.

Inta uu Khartuum ku sugan yahay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa lagu wadaa inuu kulamo gaar-gaar ah la yeeshay masuuliyiinta qaarkood ee ka qaybgalaysa munaasabada, kuwaasoo kala hadli doono arrimo dhowr ah.

Khayre ayaa waxaa socdaalkaan uu u yahay kiisii ugu horeeyay ee uu ku tago dalka Sudan, waxaaan ka baaqday Madaxweyne Farmaajo, kaasoo qorshuhu ahaa marka hore inuu isaga ka qaybgalo, laakiin u xaadiri waayay sababo aan la shaacin.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Sudan, Jeneraal Cumar Xasan Al-Bashiir uu casuumaad usoo fidiyay Farmaajo, si ay u dhex-dhexaadiyo dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo dhawaan xiriirkooda xumaaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM