Khayre oo Muqdisho kula kulmay diblumaasi sare oo Ameerikaan ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay diblumaasi sare oo Mareykan ah, sidda uu xaqiijiyey xafiiska wasiirka koowaad ee Soomaaliya.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Tibor Nagy, ayaa booqasho aan lasii shaacin ku yimid caasimada, maanta oo Arbaco ah.

Khayre iyo Nagy ayaa kawada hadlay arrimo ay kamid yihiin dagaalka ka dhanka ah ururada argagixisada iyo barnaamijka deyn cafinta.

Soomaaliya ayaa caalamka looga leeyahay ku dhowaad shan bilyan oo Doolar, iyaddoo geedi-u-socodkeeda uu marayo barta go’aan qaashada, sidda ay ka dhawaajisay xukuumadda.

Sidda lagu tilmaamay bayaanka, Tibor Nagy ayaa intii kulanku socday carabka ku adkeeyay in dowladiisu ka go'an tahay in ay waqti geliso soo kabashadda dowladnimada Soomaaliya.

Socdaalka Nagy ee magaalo madaxda Soomaaliya ayaa qayb ka ah safar uu ku marayo qaar kamid ah wadamada qaarada Afrika ee xulafada dhow la ah Washington.

Mareykanka ayaa kamid ah deeq-bixiyeyaasha ugu badan Soomaaliya, waxaana uu sidoo kale ka taageeraa dhanka horumarinta, kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo baacsiga Al-Shabaab iyo ISIL.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM