Khayre oo Shaqadii ka joojiyey Wasiir loo heysto Musuq-maasuq

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta oo Khamiis ah shaqo-joojin ku sameeyay wasiir ku xigeenkii Wasaaradda arrimaha dibadda, Mukhtaar Mahad Daa'uud.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa lagu shaaciyay go'aanka shaqada looga joojiyay wasiirka, kaasoo lagu soo eedeeyay dhawaan lunsasho hanti-qaran, musuq-maasuq iyo wax isdaba-marin.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Ra'iisul Wasaare Khayre isagoo tixgelinaya dacwadda lagu soo oogey Wasiir ku xigeenka uu shaqadii ka joojiyay, si ayuu yiri ay Xeer-ilaalinta iyo Hanti-dhowrka u gutaan waajibaadkooda ku aadan la xisaabtanka Mas'uulkan.

Go'aankan ayaa imaanaya xilli maalin kahor ay Wasaaradda arrimaha dibadda si kulul u camabaareysay kiiska lagu soo eedeeyay Wasiir ku xigeenka iyo isku daygii la doonayay in lagu soo xiro, taasoo ay ku tilmaantay wax k abaxsan nidaamka dowladnimada.

Dhanka kale, wararka ayaa sheegay in Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo wasiir ku xigeenka shaqada laga joojiyay, maadaama ay Xeer Ilaalinta iyo Hanti-dhowrka ay dacwad isaga ka dhan ah ka gudbiyeen.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM