Khayre oo shir degdeg ah isugu yeeray Golahiisa Wasiirada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa shir degdeg ah isugu yeeray Golahiisa Wasiiradda.

Sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin ka tirsan xafiiska Khayre, shirkaan ayaa daaran Sharciga Doorashooyinka qaranka oo xukuumadda horyaala.

Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo horyaala Goluhu sanadihii lasoo dhaafay  ayaa la filayaa in cod loo qaado kahor inta aanan loo gudbin Aqalka Hoose.

Golaha Shacabka ayaa marsiin doonta akhrin, waxna ka bedeli doona mad-madow hadii uu ku arko kahor inta uusan ansixin una gudbin Aqalka Sare.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qodobada shirka lagu jeex-jeexi doono ay kamid tahay xaaladahii ugu dambeeyay ee wadanka gaar ahaan dhaliisha mucaaradka.

Isu imaatinkaan ayaa kusoo beegmaysa iyadda oo xukuumada ay wajaheyso culeys uga imaanaya dhinaca siyaasiyiinta mucaaradka oo ku tartarsiiyay in ay is-casisho.

Soomaaliya ayaa isku diyaarineysa in doorasho qof iyo cod ay ka qabsoonto 2020, inkasta oo xoogaga siyaasadeed ay shaki gelinayaan.

Madaxda ugu sareysa dowlada gaar ahaan madaxweyne Farmaajo iyo ra'iisul wasaare Khayre ayaa ku cel-celiyay in coddeyntaasi ay dhici doonto.

Doorashadda 2020-ka ayaa la rajeynayaa in ay noqoto mid ay ku loolamaan xisbiyadda siyaasadeed oo durba bilaabeen ol'olalahooda ku wajahan cod-bixintaasi taariikhiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM