Khayre oo u dhoofay Geneva iyo madaxda DF oo kordhiyay safarada dibadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta oo Axad ah u ambabaxay dalka Switzerland, isagoo hogaaminaya wafdi Wasiirro iyo mas'uuliyiin kale isagu jira.

Khayre ayaa lagu casuumey Shir looga hadlayo arrimaha Xuquuqul Insaanka iyo shaqa la'aanta dhalinyarada oo lagu qabanayo magaaladda Geneva, ee caasimadda wadanka Switzerland.

"Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maanta u ambabaxay Geneva. Waxuu ka qeyb gali doonaa kulamo looga hadlayo arrinmaha shaqo la'aanta dhallinyarada iyo haweenka, sidoo kale waxa uu hadal ka jeedin doonaa kulanka Golaha xuquuqul insaanka," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.

Safarka Khayre ayaa kusoo beegmaya xilli labo maalmood kahor Muqdisho ay gilgileen saddex qarax oo ay ku dhinteen in ka badan 30 qof oo shacab ah, sidoo kalena amniga caasimadda uu faraha kasii baxayo.

Madaxda sare ee dowladda ayaa kordhiyay safaradda dibadda, waxaa hadda ka maqan dalka Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Maxamed Mursal oo ku sugan Jordon iyadoo Farmaajo uu labo maalmood kahor kasoo laabtey safarkiisii 5aad mudo bil gudaheeda kaasi oo uu ku tagey Qatar.

Socdaalka badan ee dibadda ayaa ku baxa lacago badan, iyadoo dowladda ku tiirsan yahay dhaqaalaheeda deeqaha caalamka uu siiyo, waxaana dalka gudihiisa ka jira amni xumo, xaalado bini'aadanimo iyo biyo la'aan gobollada qaar ee dalka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM