Khayre oo wafdi ka socda Kenya kula kulmay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa xalay fiidkii Muqdisho kula kulmay wafdi ka socda dowladda Kenya xilli labada dal xiriirkooda diblomaasiyadeed uu gaarey meeshii ugu hooseysay.

Agaasimaha Nabada iyo Amaanka ee Wasaaradda Arrimaha dibadda dalkaasi John Kilonzi, Safiirka Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo ayaa Khayre kala hadlay arrimaha ay kamid ahaayeen soo celinta xiriirka labada wadan iyo inay kawada shaqeeyaan danaha ay wadaagaan.

Kulankan oo aysan shaacin warbaahinta dowladda Soomaaliya iyo xafiiska Khayre ayaa waxaa bartiisa Twitter-ka ku baahiyay Xoghayaha wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kenya, Ababu Namwamba oo kamid ahaa saraakiisha ka qeybgalay kulankii xalay oo ka dhacay xarunta Xalane.

Ma jirto fahfaahin ay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ka bixiyeen kulanka oo imaanaya xilli dhawaan Madaxweyne Farmaajo kula kulmay dhigiisa Kenya, Uhuru Kenyatta magaaladda New York intii uu socday kulanka 74aad ee UN-ka, kaasoo ay uga wada-hadleen soo celinta xiriirka labada dal.

Kulanka Farmaajo iyo Uhuru ayaa waxaa ka dambeeyay oo kasoo shaqeeyay Madaxweynaha Masar C/fitaax Al-Siisi oo hadda ah gudoomiyaha Ururka Midowga Africa, isagoo isku dayay inuu dhex-dhexaadiyo Soomaaliya iyo Kenya, oo isku haya xuduud badeed, kiiskiisu horyaalla maxkamadda ICJ.

ICJ ayaa la filayaa inay 4-ta bishan bilowdo dhageysiga dacawadda badda ee Soomaaliya u gudbisay 2014-kii, iyadoo dhawaan dalbatay in dib loogu dhigo, si ay ugu soo diyaar garowdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM