Khayre oo war cusub kasoo saarey doorashadda 2020 [DAAWO]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, oo ka hadlay kulan maanta ka dhacay Muqdisho, kaasoo looga hadlayey qodobo ay kamid tahay doorashadda qof iyo cod ee 2020, ayaa rajo fiican ka muujiyay inay dalka ka qabsoonto

"Qodobada shirkaan looga hadlayo oo ay kamid tahay doorashadda qof iyo cod ee 2020, waxaa muhiim ah inaad si wayn uga doodaan, kadibna aad na hor-keentaan waxa aad isku soo afgarateen," ayuu Khayre yiri.

Wuxuu tilmaamay in isaga iyo Madaxweyne Farmaajo ay diyaar u yihiin in dalka ay ka qabsoonto sanadka 2020-ka doorashadda ka duwan kuwii horey uga soo qabsoomi jiray dalka sanadihii u dambeeyay.

"Aniga iyo Madaxweyne Farmaajo, waxaa naga go'an in dalka siduu ahaan jiray laga gudbo oo loo gudbo siduu noqon doono, iyo siduu hadda yahay," ayuu Ra'iisul Wasaaraha hadalkiisa kusii daray.

Balse, wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya ayaa ka digay in dib u dhac uu ku yimaado doorashadda, taasoo uu tilmaamay inay sababi karto inaan si wanaagsan loogu diyaar-garoobin.

"Haku fekerin in kulankaan uu yahay wax kaliya 3 maalmood ama maalmo soconayo, waxaad gacanta ku haystaan mustaqbalka iyo Rajadda Shacabka Soomaaliyeed. Hadii aad gacmaha isasa saarataan, waxaan dib u dhacaynaa markale," ayuu raaciyay.

Khayre ayaa wuxuu tilmaamay in doorashadda qof iyo cod, muhiimada ay leedahay kamid tahay in dadku iska iloobi doonaan qabyaaladda oo uu ku tilmaamay inay tahay midda aafeysay dalka.

"Doorashadda qof iyo cod waxa lagu tartamayo waa Xisbiyo ma jiri doono Qabyaalad iyo waxyaabo kale, waxaana rajeynayaa inay dhici doonto doorashadda, balse, idinka ayey gacmahiina ku jirtaa," ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay Khayre.

Sanadka 2020-ka ayaa loo madalsan yahay in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod, taasoo ay ku tartamayaan Xisbiyo ku yeelan doona Baarlamaanka matalaad, inkastoo ay jiraan caqabado waa weyn oo ku hor-gudban qabsoomidda doorashadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Xasan Sheekh uga Digay inuu sameeyo Muddo Kororsi sharci-darro ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo muran siyaasadeed uu ka taagan yahay marxaladda kala guurka ah iyo sida loo wajahayo doorashooyinka soo socda ee dalka.

  • Soomaliya

    01-09-2025

  • 11:43AM

Masar oo qaadey Tallaabo Itoobiya ka digtay inay saameyn ku yeelato amniga Soomaaliya

Ciidamada Masar oo bedelaya kuwa Burundi, ayaa qeyb ka noqon doona dadaallada AUSSOM ee la dagaallanka Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    01-09-2025

  • 07:54AM