Khayre: Sax ma ahan in ciidamada kamid noqdaan guddiyada doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul Wasaarihii 19aad ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa xaqiijiyey in uu kamid yahay murashaxiinta qoraalka kasoo saarey diidmada ka dhanka ah xubnaha guddiyadda doorashooyinka 2020-21.

Khayre oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa shaaca ka qaadey "in aysan sax ahayn in ciidamada ka mid noqdaan guddiyada".

Isagoo hadalkiisa sii wata, Khayre ayaa carabka ku adkeeyay ahmiyada ay leedahay in guddiga soo xulaya wakiilada Somaliland ay ku yimaadaan "qaab wadda oggol ah".

"Sidii aan uga sheegay shirarkii Golaha Wasiirrada ee 10kii May iyo 9kii July 2020ka, inta xilka aanan iska casilin ka hor, waxaa lagama maarmaan ah inay dalka ka dhacdo doorasho xor ah, xasilloon, wadar-oggal ah oo waqtigeeda ku qabsoonta," ayuu ku bilaabay qoraalkiisa.

Wuxuu raaciyey: "Haddaba, waxa aan maanta oo taariikhdu tahay 10ka November 2020 caddaynayaa inaan ka mid ahay musharrixiintii saxiixday war-murtiyeedka ku taariikhaysan 10/11/2020 ee cinwaankiisu yahay "Mawqifka iyo Go’aanka Musharrixiinta Madaxweynenimada Soomaaliya ee ka qaybgalka doorashada 2020/21" taas oo aan walaac uga muujinnay qaabka Dowladda Federaalku u maamulayso doorashada iyo guddiyada loo qorsheeyey in ay doorashada maamulaan".

"Aniga oo aaminsan in ciidamada amnigu ay hayaan shaqo qaran oo aad muhiim u ah ayna naga mudan yihiin sharaf iyo karaamo, hadana sax ma aha inay ka mid noqdaan guddiyada madaxa bannaan ee doorashooyinka," ayuu tibaaxay.

Khayre ayaa kusoo xiray hadalkiisa: "Sidoo kale, waxaan aaminsanahay guddiga maamulaya kuraasta Gobollada Waqooyi ee Somaliland in loo maareeyo qaab wadar-oggol ah, qaddarin leh, waafaqsanna heshiiskii DFS iyo Maamul Goboleedyadu ku gaareen Muqdisho 26kii September 2020".

Gadoodka ay murashaxiinta iyo xisbiyada mucaaradka ka muujiyeen guddiyadan ayaa salka ku haysa saraakiil sirdoon, shaqaale dowladeed iyo jamaahiirta madaxweyne Farmaajo oo lagu soo daray guddiga maamulada coddeynta.

Villa Soomaaliya iyo taliska hay'adda nabad-sugida oo mas'uul ka ah faragelinta lagu sameeyay xulista xubnaha guddiyada maamulada qaar ayaa la fahansan yahay in ay ku talagayaan "in ay soo saaraan Xildhibaano taabacsan Farmaajo".

Madaxweynaha waqtiga kasii dhamaanayo oo ku fashilmay in uu waddanka gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah ayaa mar kale goobaya in uu difaacdo kursigiisa, iyaddoo faragelinta guddiyada doorashada ay daba socoto qorsheyaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM