Kheyre oo si lama filaan ah xilkii uga qaaday Wasiir kale [Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta oo Khamiis ah xilka qaadis ku sameeyay Wasiirka Waxbarashadda xukuumadda, Cabdiraxmaan Daahir Cismaan.

Wareegto ku taariikheysan 26-ka July ee sanadka 2018, islamarkaana kasoo baxday xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa lagu shaaciyay xilka qaadista Wasiirka, iyadoo aan la shaacin sababta ka dambeysa go'aanka.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda, Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir ayaa loo magacaabay sii-haya wasiirka Wasaradda Waxbrashadda ee xukuumadda Soomaaliya.

Xilka qaadista Wasiirka, ayaa imaaneysa saacado un kadib markii uu saxaafadda usoo bandhigay natiijadda Imtixaanadda shaadiga 2017-2918 ee Dugsiyada Sare ee dalka.

Wasiirka ayaa maalmihii lasoo dhaafey waxaa culeys ka haystey hadal uu ka sheegey Jaamacadaha ka jira dalka Soomaaliya burburka kadib kuwasoo uu yiri ma aqoonsani.

Wasiirka ayaa saxaafada markale u sheegey in hadalkiisa si qaldan loo tarjumey uuna sidaas ula jeedin.

Hadalka Wasiirka ayaa kiciyey ardeyda Jaamcadaha Muqdisho iyo maamulayaasha xarumahaas kuwaas oo maanta intaan waraaqda xil ka qaadista mas’uulkaan soo bixin diyaarinayey mudahradayo iney sameeyaan.

Wasiirka xilka laga qaadey oo kasoo jeeda beeshq Xawaadle ayaa waxaa la filayaa in lagu badalo xildhibaan Goodax oo in muddo ah ku dhowaan xafiiska RW Khayre.

Ra’isal wasaare ayaa xilalka ka qaadey intii xilkaan loo magacaabey 5 Wasiir halka kuwa kalena iska casileen kuwasoo ay ku jireen kuwo u adkeysan waayey faragalin lagu sameeyey shaqooyinkooda.

Bishaan horaanteedii ayay ahayd markii xilka qaadis uu ku sameeyay Khayre Wasiirkii Awqaafta iyo arrimaha Diinta, kaasoo la rumeysan yahayn inuu xilkiisa ku waayay kadib markii uu ku lug-yeeshay muran ka jiray dhanka Xajka oo hadda la xaliyay.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xili uu fashilmay qorshihii amniga qaranka oo ay caasimada u dejisay xukuumadda, taasoo sababtay in Madaxtooyada, gaara ahaan Xafiiska Madaxweyne Farmaajo uu faraha lasoo gallo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM