Khilaaf ka dhex-qarxay guddiga doorashada heer federaal

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kala qeybsanaan ayaa durba muuqaneysa in ay ka dhex-qaraxdey Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federal ee sanadka 2020-2021 kuwaasoo laba garab u kala jabay.

Dildilaacan ayaa salka ku haya habraaca doorashooyinka xubnaha Aqalka Hoose ee kamid noqonaya baarlamaanka 11aad ee dalka kuwaasoo la filao in ay dhowaan bilaabato.

Xubno kamid ah guddiga oo bayaan soo saarey waxay sheegeen in aan "aan la isku raacsaneyn" habraacii Talaadadii shalay ay soo saareen "qeyb yar oo kamid ah guddiga".

Sida ku xusan qoraalkan uu arkay Garowe Online, garabka soo saarey habraaca waxaa hogaaminaya guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal Maxamed Xasan Cirro.

Garabka guddoomiye Cirro ayay ku eedeeyeen in ay habraacaan u soo saaraan "si ay u carqaladeeyaan doorashooyinka dalka ka bilowday kuwaasoo ku qabsoomay "si xor iyo xalaal ah".

War-saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in "guddiga uu ka sugayo madaxda golaha wadatashiga qaranka in ay ka heshiiyaan soona dhameystiraan arrimaha farsamo ee ka haray geedi-socodka".

Khilaafkan oo yimid maalmo kadib markii hogaanka guddiga la shireen Midowga Musharaxiinta Madaxtinimada waxaa laga cabsi qabaa in ay saameeyo hab-sami-u-socodka doorashooyinka.

Musharaxiinta ayaa saluug ka muujiyey qaabka ay dalka uga bilaabatay doorashadda waxaana ay cod dheer u dalbadeen afar qodob oo kasoo baxay kulan saddex casho ay ku yesheen Muqdisho.

Qoraalka garab kamid ah guddiga doorashada

May be an image of text

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM