Khilaaf ka dhex-qarxay hogaanka baarlamaanka Galmudug

Image
Guddoomiye Maxamed Nuur ayaa lagu eedeeyay inuu ku xad-gudbay hab-raaca golahan.

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Galmudug, C/llaahi Xirsi, ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Nuur inuu ku xad-gudbay hab-raaca golahan xaruntiisu tahay magaalada Dhuusamareeb.

Sida ku xusan qoraal kasoo baxay xafiiska gaarka ah ee Xirsi, Mr Nuur ayaa xadgudubkan wuxuu ku kacay kaddib markii uu shaqadda ka joojiyey xildhibaannada baarlamaanka qaarkood.

Lix xubin oo kamid ah Baarlamaanka Galmudug ayaa laga joojiyay lacagta Gunada iyo fadhiyada joogtada, kadib markii lagu eedeeyay inay dhaliileen siyaasada Madaxweyne Qoor-Qoor.

Xildhibaanada oo kala ah C/llaahi Xirsi Maxamed, Axmed C/risaaq, C/naasir Aadan, C/qaadir C/llaahi Bariise, Mursal Maxamed iyo Daahir Cabdi Shiiqow ayaa laga joojiyay afar kulan oo kamid ah kalfadhiga 5aad ee sanadkan 2022.

Sidoo kale, waxaa laga jaray labo bilood oo Gunadii ay qaadan jireen, iyadoo lagu amaray inay soo gudbiyaan cudur-daar qoraal iyo oraah ah, oo ay raali-gelin uga bixinayaan eedaha loo jeediyay ee ah sharci-jebinta.

Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug Axmed Maclin Fiqi oo ka falceliyay arintan ayaa yiri: Waxaan ognahay wixii maalin dhoweyd ka dhacay xarunta barlamaanka Galmudug iyo sharciyo ayadoon kooramku buuxin uu Gacal marsiiyey, Xildhibaanadii arintaas ka hadlayna lagu haysto maxaad u hadasheen.

Galmudug ayaa mudo kusoo jiray kala qeybsanaan iyo khilaafyo siyaasadeed, iyadoo khatar Al-Shabaab ay ku geedaaman tahay Dhuusamareeb, oo xarun u ah. Qoor-Qoor ayaa lagu eedeeyay wax-qabad la'aan iyo safaro joogto ah iyo dibad-joognimo.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Image

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM