Khilaaf ka qarxay madaxtooyada Galmudug oo xagal daacin kara dagaalka ‘AS’

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Khilaafka u dhaxeeya madaxda maamulka Galmudug Axmed Cabdi Qoorqoor iyo ku xigeenkiisa Cali daahir Ciid ayaa banaanka usoo baxay kadib markii labada dhinac ay soo kala saareen go’aamo iska soo horjeeda.

Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Cali Ciid ayaa soo saaray amar uu shaqada kaga joojinayo wasiirka arrimaha gudaha maamulka Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac oo uu ku eedeeyay in uu carqaladeynayo dadaallada lagula dagaalamayo argagixisada.

Halka Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo xil ka qaadistan kaga jawaabay diidmo, isagoo soo saaray amar lagu burinayo amarka Madaxweyne ku xigeenka, maadaama uu khilaafsan yahay dastuurka Galmudug sida lagu sheegay bayaanka.

Xiisadan ayaa bilaabatey ka dib markii Madaxweyne ku xigeenka Galmudug uu kala direy golaha deganaaka Caabudwaaq.

Golihii deegaanka ayaa isla markaana xil ka qaadis ku sameeyey gudoomiyaha degmada, halka Madaxweynaha Galmudug uu taageeray go’aanka golaha.

Khilaafkan siyaasadeed ayaa imaanaya xilli maamulka Galmudug uu ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda ‘AS’, waxaana khubarada dhanka ammaanka ay ka digeen in la kala qeybiyo madaxda inta lagu jiro marxaladan muhiimka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM