​Khilaaf ka taagan Doorashada Aqalka Sare Somaliland [AKHRISO]

Image

MUQDISHU, Somalia- Guddiga federaalka hirgelinta Doorashooyinka dadban (GFHDD) ee Somalia, ayaa ka hadlay Khilaafka ka taagan doorashada xubnaha aqalka sare ee Beelaha Somaliland.

Gudiga  ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen, waxay ku sheegeen inay iyagu leeyihiin go'aamada xilliga ay billabanayso Doorashada Aqalka sare ee Somaliland iyo ku dhawaaqida musharaxiinta ku guulaysta kuraasta aqalkaas.

GFHDD ayaa ku baaqay in looga danbeeyo go'aanka doorashada, waxaana uu ugu baaqay Gudiga Doorashada Somaliland inuu faraha kala baxo arrimaha Doorashooyinka Aqalka sare ee ka dhacay Muqdishu.

Hadalkan ayaa yimid markii Guddiga Doorashada Somaliland ay shaaciyeen dhawaan in maanta oo sabti ah lagu qabanayo Muqdishu doorashada kuraasta Aqalka sare ee beelaha kasoo jeedo gobollada Waqooyi.

Dhanka kale, Siyaasiyiinta kasoo jeedo beelaha Waqooyi oo ay mas'uuliyiin sare ku jiraan ayaa waxay soo saareen War Saxaafadeed ay ku dalbadeen in aqalka sare laga siiyo 33%, taasi oo ka dhigan 18 Xunbood, halka hadda laga siiyay 11 Kursi.

Siyaasiyiinta Somaliland ee ku shiray Muqdishu, ayaa ku baaqay in loo laabto Saami-qeybsigii 1960-kii lagu heshiiyayy kaasi oo ah in Gobollada Waqooyi ay ka helaan dowladda Saddex Meelood meel (1/3).

GAROWEONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM