Khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo sii xoogeysanaya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa cirka isku sii shareeraya Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble xili dalka uu ku jiro jahwareer doorasho, islamarkaana Beesha caalamka soo saareyso baaqyo isdaba-joog ah.

Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa xalay magacaabey gudi shan xubin ka kooban, oo ah wasiiradda isaga aadka ugu dhaw kuwaasoo baaraya wax uu ugu yeeray "isku-day afgembi" oo December 27 la doonayay in lagu inqilaabo xafiiskiisa.

Wasiirka difaaca Abdiqaadir Maxamed Nuur ayaa gudoomiye u ah Gudiga, oo xubnihiisa ay kamid yihiin Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur oo ah shaqsiga hormoodey dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah xafiiska Madaxweynaha.

Khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo salka ku haya arrimaha doorashadda, ayaa keeni kara in mudo dheer ay qaadato in lagu soo gabagabeeyo doorashadda Baarlamaanka oo soo jiitamaysay tan iyo sanadkii tagey.

Farmaajo xafiiskiisa wali kama uusan jawaabin warqada uu soo saarey Rooble ee gudiga lagu magacaabey, mana la oga in gudigan uu ku guuleysan doono shaqada loo diray oo laga doonayo hal Todobaad inuu kusoo gabagbeeyo.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa sii cakirmeysa, waxaana mar walba furmaya albaab cusub oo khilaaf ah, iyadoo midaas ay caqabad ku noqonayso geedi socodka doorashadda iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya oo 30 sano fowdo iyo nidaam daro kusoo jirtay.

Image

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM