Khilaafka hogaanka Al-Shabaab oo weji cusub yeeshay; saraakiil la dilay

Image

KISMAAYO, Jubaland – Khilaafka salka ku haya awood qeybsiga iyo maamulka lacagta badda ah ee shacabka kasoo uruuriyeen Al-Shabaab ayaa la wariyey in uu xoogeystay iyadoo loo xiray sarkaakiil, kuwa kalena loo dilay.

Hay'adda sirdoonka Jubaland ayaa shaaca ka qaadey in xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ay laba garab u kala jabeen. Daraf uu horkacayo hogaamiye Axmed Diiriye iyo dhinac kale oo Mahad Karate ah.

Khaalid Sheekh Cabdullaahi, taliyaha hay'adda nabad-sugida maamulka madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa xusay in garabkii Karate "laga awood-badiyey".

Sidda laga soo xigtay Khaalid, Axmed Diiriye ayaa asbuucan ka baxay degaano ka tirsan gobolka Gedo, khilaafkan wejiga cusub yeeshay awadeed. Balse, ma uusan soo bandhigin goobta kale uu u ruqaansadey.

Taliyaha ayaa carabka ku dhuftay in is-qabqabsigan soo shaac-baxay uu galaaftay sarkaal uu magaciisa ku sheegay Fiidow kaasoo uu ka dhawaajiyey in uu u qaabilsanaa dhanka koonfurta Soomaaliya.

Xilli uu shaaciyey in Fiidow lagu dhex-dilay xabsi, sarkaal kale oo uu ku qeexay Cabdifitaax Baare una qaabilsanaa Jubooyinka ayuu daaha ka rogay in isagana uu kamid yahay maleyshiyada jeelka lagu toogtay.

Oday Guure oo wakiil uga ahaa gobolada Shabeellaha Hoose iyo Banaadir "isla markaana mas'uul ka ahaa dilka shacab badan" ayuu soo bandhigay in uu kamid yahay dhowr kale oo xiisada loo xiray.

Mr Khaalid oo hoosta ka xariiqay in warbixinadan ay ka helayaan sirdoonkooda qarsoodiga ah ayaa ku baaqay in Al-Shabaab looga faa'iideysto kala qeybsanaanta ay wajahayaan laguna ekeeyo duulaan saf-balaaran ah.

"Waa dad yar oo kooban, waa dad hadii si dhaba loo fiiriyo aan tabar badan lahayn, laakiin waxaa inaga mashquuliyey waxyaabo inta badan aan danteen ahayn [siyaasadda]," ayuu u sheegay saxaafada maxaliga ah.

Marka laga soo tago sheegashada sirdoonka Jubaland, ma jiraan illo wareedyo madax-banaan oo qiraya dhamaan macluumadka uu bixiyey Khaalid.

Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa lagu waramay in ay degaano ka tirsan Koonfur Galbeed ku gowraceen todoba qof, saddexdii maalin ee u dambeysay.

Dadkaan lagu gowracay nawaaxiga tuulada Goof-gaduud Buurey ee gobolka Baay ayaa kala ahaa; Afar oday iyo Saddex dhalinyaro. Fahfaahinta waxay muujineysaa in nolosha loo dhaafsiiyey markii ay diideen amar lagu rogay.

Amarkaas oo sidoo kale la dul-dhigay degaano ay kamid yihiin; Daynuuney, Shan-qolow iyo Mooro-waraabe ayaa la sheegay in uu yahay; askareyta caruurtooda iyo in ay dhaqaalo ugu tabarucaan argagixisada.

Maamul goboleedka Koonfur Galbeed oo xaqiijiyey dhacdadaan ayaa ku sifeeyay "in ay kamid tahay dhibaatada ay shacabka ku hayaan nabad-diidka".

Al-Shabaab oo mas'uul ka ah dhimashada kumanaan rayid ah ayaa ah khatarta ugu weyn ee ammaanka Soomaaliya, waxaana sanadihii u dambeeyay ay wajaheysay cadaadis milatari, wallow aysan natiijo fiican kasoo bixin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamsa oo maalgashiga dalka ugu baaqay Ganacsatada Soomaaliyeed ee dagan Kenya

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga warbixiyey ganacsatada xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyo fursaha jira.

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 04:20AM

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo yeeshay Shir laba-geesood ah

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galey xubno ka socday labada dowladood oo ay kala hoggaaminayeen Xamse iyo Rigathi.

  • Soomaliya

    07-05-2024

  • 03:32PM