Kiisaska Covid-19 ee Soomaaliya oo dhaafay laba kun, geerida oo korortay

Image

MUQDISHO, SOomaaliya - Kiisaska Coronavirus ee guud ahaan Soomaaliya ayaa kor-u-dhaafay laba kun, sidda ku xusan warbixinta maalinlaha ah ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Warbixinta ayaa lagu caddeeyay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay soo kordheen 47 kiisas cusub oo ah Covid-19 kuwaas oo laga kala helay; Somaliland: 28Benadir: 9Puntland: 5 iyo Jubbaland: 5.

Sidda lagu caddeeyay warka qoraalka ah, nukaanadda cusub ayaa 38 kamid ah waxay yihiin Lab, halka Dhediga ay ka yihiin sagaal [9].

Nasiib wanaag, waxaa afar iyo labaatankii saac ee lasoo dhaafay ka caafimaadey xanuunka 13 ruux, halka uu u dhintay hal [1] qof.

Tirada guud ee kiisaska la diiwaan-geliyey ayaa dhan 2,023, halka dhimashadu tahay 79, bogsashadana waxay sii mareysaa 361.

Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada dhaca Geeska qaaradda Afrika ee diiwaan-geliyey kiisaska ugu badan ee cudurka dilaaga ah.

Kororka oo si maalinleh ah u socda ayaa kusoo aadeysa xilli ay jiraan warar sheegaya in xukuumadda qorsheyneyso in todobaadkan ay dib u furto duulimaadyadda gudaha ah oo xanuunku hakiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM