Kiisaska Covid-19 ee Soomaaliya oo dhaafay laba kun, geerida oo korortay

Image

MUQDISHO, SOomaaliya - Kiisaska Coronavirus ee guud ahaan Soomaaliya ayaa kor-u-dhaafay laba kun, sidda ku xusan warbixinta maalinlaha ah ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Warbixinta ayaa lagu caddeeyay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay soo kordheen 47 kiisas cusub oo ah Covid-19 kuwaas oo laga kala helay; Somaliland: 28Benadir: 9Puntland: 5 iyo Jubbaland: 5.

Sidda lagu caddeeyay warka qoraalka ah, nukaanadda cusub ayaa 38 kamid ah waxay yihiin Lab, halka Dhediga ay ka yihiin sagaal [9].

Nasiib wanaag, waxaa afar iyo labaatankii saac ee lasoo dhaafay ka caafimaadey xanuunka 13 ruux, halka uu u dhintay hal [1] qof.

Tirada guud ee kiisaska la diiwaan-geliyey ayaa dhan 2,023, halka dhimashadu tahay 79, bogsashadana waxay sii mareysaa 361.

Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada dhaca Geeska qaaradda Afrika ee diiwaan-geliyey kiisaska ugu badan ee cudurka dilaaga ah.

Kororka oo si maalinleh ah u socda ayaa kusoo aadeysa xilli ay jiraan warar sheegaya in xukuumadda qorsheyneyso in todobaadkan ay dib u furto duulimaadyadda gudaha ah oo xanuunku hakiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo u ambabaxay New York, kana hadli doona amniga dalka iyo xasuuqa Gaza

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu muuqaal cad ka bixiyo horumarka Soomaaliya ka sameysay dhanka amniga.

  • Soomaliya

    21-09-2025

  • 12:48PM

Cali Balcad oo la kulmay Senator Mareykan ah oo taageersan aqoonsiga Somaliland

Waxa uu sidoo kale xusay kheyraadka dabiiciga ah ee Somaliland, gaar ahaan macdanta sida lithium-ka, iyo xiriirka ay la leedahay Taiwan.

  • Soomaliya

    21-09-2025

  • 08:57AM