Kiiska Ikraan: Farmaajo oo usoo "Tafa-xaytay" difaacida Fahad

Image
Madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey waxaa kusii kordhaya cadaadiska ka dhashay qadiyaddan.

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha mudo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Farmaajo ayaa lagu eedeeyay "in uu usoo tafa-xaytay sidii saaxiibkiis Fahad Yaasiin Daahir uga difaaci lahaa kiiska Ikraan Tahliil Faarax".

Jeneraal Cabdalla Cabdalla oo talaabada uu Farmaajo guddiga baaritaanka ugu magacaabay qadiyadan ku sifeeyay "in uu ilkaha ku qaatay sharci darro kale" ayaa xusuusiyey in maxkamada ay ka furan tahay gal-dacwadeed.

Dacwadaas waxaa gudbiyey qoyska Ikraan oo ku adkeysanaya in gabadhooda ay ku maqan tahay gacanta hogaanka hay'adda sirdoonka qaranka gaashaankana ku dhuftey sheegashadda in koxoda Al-Shabaab ay dishay.

"Sharci ahaan kiiska Ikraan wuxuu horyaalaa maxkamadda waxaana dacwo qoraal ah gudbiyay ehelada dhibbanaha, maxkamadana waxay furtay Gal-dacwadeed, marka yaa Farmaajo xaq u siiyay inuu kasoo celiyo kiiska maxkamadda? Ma ehelka ayaa ogolaaday? Mise waa afduub iyo xoog sheegasho?," ayuu yiri Cabdalla oo horey uga tirsanaa sirdoonka Soomaaliya.

Wuxuu raaciyey: "Ehelka dhibanaha kaliya ayaa xaq u leh inay ka hadlaan kiiska ka kadib marka galka dacwada la furo. Guddi waxay ahayd intii aan maxkamada la tagin hore ayaana loo qabtay dhowr guddi oo fashil ku dhamaaday".

Kiiskan oo sababay xasarad siyaasadeed iyo kala qeybsanaan u dhaxeysa hogaanka madaxda Soomaalida ayaa horseeday xilal ka xayuubin iyo magacaabid ay isugu jawaabeen Farmaajo iyo ra’iisul wasaarihiisa xilgaarsiinta Rooble.

Rooble oo u muuqda mid ka jawaabaya guddiga uu magacaabay Farmaajo ayaa Talaadadii shalay wuxuu si furan uga digay isku day kasta oo lagu wiiqayo hanaanka cadaaladda iyo baaritaanka xeer-ilaalinta ee qadiyaddan.

Xiisadda qadiyadan ka dhalatay ayaa dib-u-soo-celisay cabsida laga qabo dib-u-dhac kale oo ku yimaada doorashooyinka. Balse, isaga oo la hadlayey wafdi ka socdey UN-ka, Rooble wuxuu meesha ka saarey in kiisku saameyn doono coddeynta.

Beesha Caalamka oo walwal ka muujisay is-qabqabsigan ayaa dalbatay in gacan lagu maamulo doorashooyinka, gacanta kalana looga shaqeeyo sidii cadaalad ku heli lahaa qof kasta oo dhibaato loogu geysto magaca dowladda.

Cadaadiska ugu badan oo ka imaanaya gudaha dalka iyo dibadda wuxuu saaran yahay Farmaajo kaasoo xusul-duub ugu jira in dib loo doorto. Kiiskan waxay u badan tahay in uu kamid noqon doono mawduucyada gilgilaya doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubaland oo qabatay rag maleegayay weerar burcad-badeednimo

Laba tuhmane kale ayaa la sheegay inay baxsadeen kuwaas oo ay haatan ku raadjoogaan laamaha ammaanka.

  • Soomaliya

    05-05-2024

  • 04:29AM

Madaxwayne Xasan Sheekh oo sagootiyay Ergayga Qaramada Midoobay

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Catriona Lainga, doorka ay ka qaadatay iskaashiga Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    05-05-2024

  • 04:21AM