Kiiska Ikraan Tahliil oo kala qeybiyey madaxda Soomaaliya

Image
Qalalaase cusub ayaa ka dhashay qadiyadan taasoo halis ku ah doorashooyinka waddanka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa sii kordhaya khilaafka u dhexeeya madaxweynaha xilkiisu dhacay ee Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha ee ku aaddan haweeneyda ka tirsaneyd sirdoonka ee Ikraan Tahliil Faarax oo lagu waayay caasimadda Muqdisho in ka badan laba bilood kahor.

Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa si cad wuxuu u sheegay in uu shaqada uga joojiyay madaxa hay'adda sirdoonka sababo la xiriira sida uu u maareeyay kiiska, balse, waxaa ka hor-yimid madaxweynaha waqtigu ka dhacay Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo.

Hay'adda mukhaabaraadka waxay toddobaadkii hore sheegtay in Ikraan Tahlil ay afduubtay ayna kadib dishay Al-Shabaab, arrintaas oo ay iska fogeeyeen kooxda hubeysan.

Kiiska Tahliil ayaa wuxuu si cad ugu muuqanayaa in uu khalkhal iyo muran xoogan oo horleh ka abuuray guud ahaan siyaasadda cakiran ee Soomaaliya.

25-jirtan ayaa markii ugu dambeysay la arkay dhammaadkii bishii June, iyadda oo kasoo baxaysa gurigeeda saarna baabuur dowladeed. Laakiin taasi waxay u muuqataa inay tahay waxa kaliya ee dadku isku raaci karaan.

Fahad Yaasiin Daahir oo agaasimihii hay'adda sirdoonka Soomaaliya ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Al-Shabab ay afduubteen oo ay dileen.

Hase ahaatee, si lama filaan ah, maleyshiyadda gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ayaa waxay beenisay inay ku lug lahaayeen dilkeeda ama afduubkeeda.

Sababtaas darteeda, Mr Yaasiin waxaa shaqada ka joojiyay ra'iisul wasaaraha - ka hor inta uusan madaxweynuhu u sheegin inuu xafiiska sii joogo.

Dhanka kale, qaar ka mid ah xoogaga mucaaradka ayaa ku andacoonaya in Ms Tahliil loo beegsadey sababo la xiriira in ay hayso xogo ku saabsan askar Soomaali ah oo tababar loogu qaaday Eritrea - ama xitaa inay ka dagaallamaan dalka dariska la ah ee Itoobiya, sheegasho wali aan la caddeyn.

Hooyadeed, Qaali Maxamed Guhaad ayaa waxay ku baaqaysaa in la soo celiyo gabadheeda ama caddaalad loo helo kuwii dilay. Xiisadda kiiskan waxaa si weyn looga cabsi qabaa in ay saameyso doorashooyinka Soomaaliya oo u muuqda in ku dhowaad ay hal sano dib-u-dhac weyn ku yimaadeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM