Kolanyo ka tirsan AMISOM oo lagu qarxiyey Muqdisho

Image
Waa qaraxii labaad oo caasimadda Soomaaliya ka dhacay 12-kii saac ee lasoo dhaafay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax loo maleynayo in uu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey waxyaabo qarxa ayaa Khamiista maanta ah ka dhacdey isgoyska Banaadir ee magaaladda Muqdisho.

Warar horudhac ah ayaa tibaaxaya in lala beegsadey kolanyo ka tirsan askarta howlgalka Midowga ee AMISOM kuwaasoo marayey laamiga isku xira magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Lama ogga haddii bartilmaameedka uu ahaa kolanyadda. Balse, waxaa goobta uu falku ka dhacay ka akdhow Villa Baydhabo, oo ah fariisinka labaad ee ciidamada Soomaaliya ku leeyihiin Muqdisho.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay weerarkan. Hase ahaatee, dhacdooyinka noocaan ah oo kale ah waxaa looga bartay dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab.

Waa qaraxii labaad oo caasimadda Soomaaliya ka dhacay 12-kii saac ee lasoo dhaafay. Sidoo kale, waa weerarkii saddexaad oo aggaas ka dhaca saddexdii bilood ee lasoo dhaafay.

Ugu yaraan saddex askari ayaa maanta ku dhaawacmay qaraxa oo ka dhacay xaafadda Ceel-Qalow oo katirsan degmada Wadajir, iyadoo wararka ay sheegayaan in goobya wax ka dhaceen lagu qaado Canshuurta baabuurta.

Galab Jimce ah 29-kii September, 2021, naftii halige ayaa isku qarxiyey meel u dhow Villa Baydhabo. Wax khasaaro ah kama dhalan falkaas. Balse, waxaa mas'uuliyadiisa sheegatay Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM