Kolonyo katirsan AMISOM oo lagu qarxiyay nawaaxiga Jowhar

Image

JOWHAR, Somalia- Kolonyo katirsan ciidamada AMISOM ee ku sugan gobolka Shabeellaha dhexe, ayaa qarax lagula eegtay nawaaxiga degmada Jowhar ee caasumadda maamulka HirShabeelle, sida ay xaqiijiyeen wararka soo gaaraya GO.

Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay weerarkaas oo ay  ka dambeeyeen xarakada Al Shabaab.

Inta la xaqiijiyay labo qof oo shacab ah ayaa ka ku dhaawacmay qaraxa oo ahaa miino dhulka loogu aasay ciidamada.

Weerarka ayaa ka dhacay meel aan sidaas oga fogayn saldhiga AMISOM ku leeyihiin garoonka diyaaradaha Jowhar.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidamada AMISOM iyo maamulka HirShabeelle.

Balse baraha internetka ee taageeraha ururkaas ayaa lagu faafiyay in qaraxaas lala eegtay booyad ay lahaayeen ciidamada Burundi xilli ay biyo u waday askarta ku sugan saldhigaas.

Warar ayaa sheegaya in diyaarad nooca qumaatiga u kaca ay tagtay halka qaraxu ka dhacay, waxaana la geeyay ciidamo tiro badan kuwaasoo baaritaan ka sameeyay agagaarka goobta la qarxiyay.

Ururka Al Shabaab ayaa inta badan weeraro qaraxyo u badan u adeegsaday ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Koonfurta iyo bartamaha dalka Somalia.

GAROWEONLINE


Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM