Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Image
Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Waxbarashada, Dhaqanka & Tacliinta Sare ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa si adag u beeniyay wararka sheegaya inay jirto warqad la sheegay iney soo saareen diray madaxweynayaasha maamulada, iyadoo ku tilmaantay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Qoraalkaan ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan hogaamiyeyaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug ay booqasho ku joogaan Muqdisho, iyadoo ay jiraan warar sheegaya Qoorqoor wadahadal kula jiro Villa Somalia.

Qoorqoor iyo Laftagareen ayaa xiligaan waxaa culeysyo ka soo wajahayaan siyaasiyiin gacan saar la leh Madaxtooyada Soomaaliya kuwaas damac kaga jiro xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM