Koonfur Galbeed oo 100-kun doolar ugu deeqday gurmadka Turkiga

Image
Waa maamul goboleedkii ugu horeeyay ee Soomaaliya oo taakuleeya dhibaneyaasha musiibadan rabaaniga ah.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa ugu deeqay lacag dhan $100,000 dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirkii Turkiga ka dhacay, sida ay sheegeen guddi dhawaan loo sameeyay ka qayb qaadashada gurmadka.

"Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa boqol kun oo dollar ugu deeqay gurmadka dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirkii ka dhacay Jamhuuriyadda Turkiga," ayuu Guddiga Gurmadka Turkiga oo uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi. Barre, ku yir qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Mas’uuliyiin ka tirsan madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed oo ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta maamulkaasi ayaa qadka taleefoonka ku xaqiijiyay taageeradoodda dadka ku waxyeeloobay musiibadaas.

Dowlad goboleedkan ayaa ah kii ugu horeeyay ee Soomaaliya ka qeyb qaadata gurmadka loo fidinaayo dadka dhibaateysan, hase ahaatee dowladda hoose ee Muqdisho ayaa lacag dhan $250,000 ugu deeqday dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirka Sabtidii.

Ugu yaraan 41,020 qof ayaa ku dhintay labadii dhulgariir ee ku dhuftay koonfurta Turkiga 6-dii Febraayo, sida ay sheegtay hay’adda maareynta musiibooyinka ee dalkaas Axaddii.

Cabirka dhulgariirada oo kala ahaa 7.7 iyo 7.6 ayaa xuddun u ahaa magaaladda Kahramanmaras wuxuuna ku dhuftay 10 gobol oo kale - Adana, Adiyaman, Diyarbakir, Hatay, Gaziantep, Malatya, Kilis, Osmaniye, Elazig, iyo Sanliurfa.

In ka badan 13 milyan oo qof ayaa waxaa saameeyay dhulgariirkii khasaaraha geystay. Sidoo kale, waxaa ku burburay kumanaan guryo ah kuwaasoo dadkii daganaa qaarkood ay ku dhex-dhinteen kuwa kalana ay si dirqi ah uga badbaadeen musiibadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM