Koonfur Galbeed oo amaro culus dhul-dhigtay AMISOM [Sababta]

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Madaxweynaha Maamulka goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Aadan, ayaa wuxuu dhaliilo culus uu ujeediyay Howlgalka Nabad-illaalinta midowga Africa ee Soomaaliya [AMISOM].

Ciidamada AMISOM oo soo galay Soomaaliya sanadkii 2007-dii, ayaa waxaa tan iyo xiligaas ku guuleysan waayeen inay si dhameystiran uga adkaadaan xoogaga Al-Shabaab, inkastoo ay gaaraan guulo la xusi karo.

Balse, Madaxweyne Shariif Xasan ayaa tilmaamay in AMISOM ay ku fashilantay in Al-Shabaab ay ka sifeyso guud ahaan saddexda gobolka ee uu maamulkiisa ka arrimiyo, kuwaasi oo kala ah Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Si gaar ah wuxuu farta ugu fiiqay inay awoodi waayeen ciidamada AMIOSM isku furidda wadooyinka ay go'doomisay Al-Shabaab ee isku xira degmooyinka Baay iyo Bakool, oo inta badan weeraro Jidgal ah ay ka dhacaan.

"Walaalaheena AMISOM, waqti muhiim ah ayay noo soo gurmadeen, laakiin waxaan aaminsanahay in shaqadii looga baahnaa in aysan qabsoomin, tusaale ahaan isku furidda wadooyinka uu cadowga go'doomiyay," ayuu yiri Shariif Xasan.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa hadalkan ka sheegay furitaanka Kalfadhiga 5aad ee Koonfur Galbeed, oo maalintii shalay uu Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Maxamed Mursal uu ku daah-furay magaalada Baydhabo.

Shariif Xasan ayaa faray ciidamadda AMISOM inay dar-dar geliyaan Howlgalka ay Al-Shabaab uga saarayaan deegaanada wali ku harsan gacanteeda islamarkaana ay isku furaan Wadooyinka wali u go'doonsan.

"AMISOM, iyo ciidaamada xooga dalka, oo ay wehlinayaa kuwa Koonfur Galbeed, waxaan ka dooneynaa inay sare u qaadaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, oo ay ka xorreeyaan, ayna isku furaan waddooyinka," ayuu ku daray hadalkiisa.

Waddooyinka isku xira Muqdisho iyo Baydhabo, iyo mida isku xirta Baraawe iyo Afgooye, iyo tan aada dhanka Kismaayo ee ka baxda Baraawe, ayuu Shariif si gaar ah farta ugu fiiqay in loo baahan in si deg deg ah loo furo, si Shacabka u adeegsado.

Hadalka Shariif Xasan ayaa kusoo aadayaa iyadoo mar sii horeysay maamulka Jubbaland uu dul-dhigay AMISOM amarro kuwa lamid ah xilliga Watiga joogitaanka AMISOM uu dhamaanayo sanadka 2022-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM