Koonfur Galbeed oo gacanta ku dhigtay shaqsi "maleegayey" weeraro

Image
Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Laamaha ammaanka caasimada ku meel gaarka Koonfur Galbeed ayaa Talaadada maanta ah shaaca ka qaadey in ay qabteen ruux la sheegay in uu maleegay qaraxyo.

Saraakiisha ammaanka ayaa tilmaamay in shaqsigaan lagu soo xiray walxo qarxa oo uu damacsanaa in uu fuliyo.

Illo dhanka amniga ah oo ka gaabsaday magacyadooda ayaa u sheegay mareega Garowe Online in ruuxa lagu qabtay; jaakad uu ku rakiban yahay qarax, afar qasnadood oo rasaas ah iyo qori.

Mas'uuliyiinta ayaa sheegay in Isaaq Nishoow laga soo qabtay hoy uu ku sugnaa, halkaasoo uu ku "qariyey" hubkaas wax gumaada.

Hay'addaha nabad-gelyada waxay aaminsan yihiin in Isaaq, oo aysan kala caddeyn hadii is-miidaamiyaha uu isagu ahaa iyo in kale, uu guriga degay shalay.

"Baaritaanka kadib waxaan soo gudbin doonaa tafaasiisha, laakiin hadda waxaan idin xaqiijin karaa arrintaas," ayuu yiri sarkaal sheegay in hadii la baahiyo magaciisa uu shaqadiisa wayn karo.

Dhinaca kale, isla maanta waxaa Baydhabo iska dhiibay xubin ka tirsanaa Al-Shabaab oo ka hawlgeli jiray Jubbooyinka gaar ahaan Baar Sanguuni.

Aadan Ibraahim Cabdi [Gacma dheere] ayaa la filayaa in loo dhaadhiciyey xarun dhaqan-celin, halkaasoo lagu hayn doono kahor inta uusan dhex-gelin bulshadda.

Degaanada dowlad goboleedka uu hogaamiyo madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa waxaa bilooyinkii lasoo dhaafay ka socday howlgalo lagu baacsanayo maleeyshiyaadka gacansaarka la leh Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM