Degmooyinka Koonfur Galbeed oo loo dhisayo gole degaan

Image
Image
Image
Dowladahan Hoose ayaa qorshuhu yahay in loo yageelo degmooyinka hoostaga maamul goboleedkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada ku-meel gaarka u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo waxa uu ku qaabilay Wakiilka Hay’adda FCA ee Soomaaliya Ikali karvinen.

Ikali karvinen Wakiilka cusub ee Hay’aada FCA ee Soomaaliya iyo Xubnaha ku wehlinayey socdaalkiisa ayaa Madaxweynaha Warbixin ka siiyey socdaalkooda iyo Waxyaabihii uqabsoomay sanadihii lasoo dhaafay.

Ergyayga ayaa xusay in Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay kala shaqeynayaan Dhisida Gollaha Deegaanka Degmooyinka Koonfur Galbeed,Hormarinta Waxbarashada,Caafimaada iyo Daadejinta Adeegyada Dowlada.

Laftagareen ayaa u-mahadceliyey Wakiilka Hay,adda FCA Ikali karvinen iyo Madaxda ku wehlinaysa Socdaalkiisa waxaana uu xusay in ay bogaadinayaan shaqada wanaagsan ee Hay’adda ay ka wado deegaanada Koonfur Galbeed.

"Waan idin kaga mahadcelinayaa booqashada aad iigu imaateen waxaan ku faraxsanahay shaqada amaanta mudan ee aad ka wadaan deegaanada  koonfur galbeed ha ahaato dhisida gollaha deegaanka,waxbarashada iyo caafimaadka,dowlad goboleedka aan hogaamiyo ahmiyad gooni ah ayey noo leedahay dhismaha gollaha deegaanka degmooyinka koonfur galbeed guulaha hiigsiga leh ee aan wadno sida noogu garab siinaysaa waan idinkaga mahadcelinaynaa," ayuu yiri.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka mahadceliyey Dadaalka Hay’adda FCA ka wado Deegaanada Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Darawalkii Farmaajo oo weli nolol iyo geeri lagu la'yahay

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegayay Maalmihii u dambeeyay in darawalka madaxweynaha uu u goostay deegaanada AS.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 12:12PM

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM