Koonfur Galbeed oo mamnuucdey mootooyinka, Af-Saabka iyo Indho-shareerka

Image
Warkan ayaa soo baxay kadib kulan uu shir guddoominayay wasiirka amniga gudaha Xasan C/qaadir Maxamed.

BARAAWE, Koonfur Galbeed - Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Talaadadii ka mamnuucay isticmaalka mootooyinka, waji-xidhka iyo indho-shareerka magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Mas'uuliyiinta deegaanka ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid lagu xaqiijinayo  ammaanka amniga si loo xoojiyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Warkan ayaa lagu sheegay kadib kulan uu shir guddoominayay wasiirka amniga gudaha Xasan C/qaadir Maxamed.

Qoraal kooban oo kulanka laga soo saarey ayaa lagu yiri: "Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Xasan Cabdulkhaadir Maxamed oo maanta shir la qaatey saraakiisha amniga ee ka howlgala caasimada Baraawe ayaa kala hadley xoojinta wadashaqeynta iyo adkeynta sugida amniga caasimada Koonfur Galbeed".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM