Koonfur Galbeed oo mamnuucdey mootooyinka, Af-Saabka iyo Indho-shareerka

Image
Warkan ayaa soo baxay kadib kulan uu shir guddoominayay wasiirka amniga gudaha Xasan C/qaadir Maxamed.

BARAAWE, Koonfur Galbeed - Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Talaadadii ka mamnuucay isticmaalka mootooyinka, waji-xidhka iyo indho-shareerka magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Mas'uuliyiinta deegaanka ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid lagu xaqiijinayo  ammaanka amniga si loo xoojiyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Warkan ayaa lagu sheegay kadib kulan uu shir guddoominayay wasiirka amniga gudaha Xasan C/qaadir Maxamed.

Qoraal kooban oo kulanka laga soo saarey ayaa lagu yiri: "Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Xasan Cabdulkhaadir Maxamed oo maanta shir la qaatey saraakiisha amniga ee ka howlgala caasimada Baraawe ayaa kala hadley xoojinta wadashaqeynta iyo adkeynta sugida amniga caasimada Koonfur Galbeed".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM