Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Image
Xubnahan ayaa laga soo qabqabtay Magaalada Baydhabo iyo Deegaanada ku xeeran.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Taliska Nabad sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Magaalada Baydhabo kusoo bandhigey 12 xubnood Oo Al-Shabaab katirsan kuwaas Oo Ciidanka Gacanta kusoo dhigeen.

Xubnahan ayaa laga soo qabqabtay Magaalada Baydhabo iyo Deegaanada ku xeeran kadin markii Ciidanka Howlgalo balaaran Bilihii lasoo dhaafay ka wadeen Magaalada Baydhabo iyo Deegaanada hoos yimaada.

Xubnahan gacanta kusoo dhigeen Ciidanka Nabadsugida koonfur Galbeed ayaa Khawaarijta u kala qaabilsanaa aruurinta lacagaha baadka ah (sakawaadka) iyo jabhada.

Ciidanka Hay'ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa howlgalo balaaran ka wada guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed kuwaasi oo lagu xaqiijinaayo amniga guud ee Deeganada Koonfur Galbeed.

Ma ahan markii ugu horeysay ay Ciidanka gacanta kusoo dhigeen dhaqarqabiyaal katirsan khawaarijta, waxay horey uburburiyeen shabakado ka howlgali jirey Magaalada Baydhabo kuwaasi oo la horgeeyey Sharciga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar, Turkiga iyo Jabuuti oo Cambaareeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty.

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 08:14PM

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM