Koonfur Galbeed oo soo bandhigtey xubno kasoo goostey "Khawaariijta"

Image
Taliska Nabad Sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay xubnahan isa soo dhiibay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Nabad Sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Magaalada Baydhabo kusoo bandhigey 8-Xubnood Oo ka Tirsanaa Khawaarijta Oo isku soo dhiibey Ciidanka Nabadsugida koonfur Galbeed. 

Xubnahan isu soo dhiibay ayaa Khawaarijta uqaabilsanaa dhanka Jabhadaha iyo Xisbada 

Ciidanka Hay'ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa labadii isbuuc ee lasoo dhaafay soo bandhigey ku dhowaad 25 Xubnood Oo kasoo goostay khawaarijta. 

Isu soo dhiibista xubnahan ayaa imaanaysa iyadoo Deeganada Koonfur Galbeed ka socdo wajiga labaad ee Dagaalka Dalka lagaga xuraynaayo khawaarijta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM