Koonfur Galbeed oo xaqiijisay dhimashada Taliye Mad-Dheere

Image
Marxuumka ayaa waxa uu ahaa Taliyihii Guutada 8-aad Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Ehelka Qaraabada iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ugu Tacsiyadeyey geerida ku timid Alle Haunaxaristee Taliyihii Guutada 8-aad Ciidanka Xooga Dalka Gaashanle Maxamed Dheere iyo Gudoomiyihii hore Degmada Diinsoor a Abdisalaan Xaaji Siidow iyo Askartii La socotay

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Rajicuun
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Taliyihii guutada 8-aad Qeybta 60-aad CXD iyo Saraakiil oo shahiiday iyagoo ku jira hawl-gal lagu beegsanayey kooxaha Khawaarijta ah

Gaashanle Maxamed Dheere waxa uu ahaa sarkaal kaalin mug leh ku lahaa xaqiijinta ammaanka Dalka gaar ahaan Deeganada Koonfur Galbeed iyo la dagaallanka argagixisada, iyadoona lagu Xasuusto Howlgaladii lagu jabiyey Khawaarijta ee uu Hogaamiyey.

Waxaan Alle uga baryayaa Sarkaal Maxamed Dheere iyo Gudoomiyihii hore Degmada Diinsoor Abdisalaan Haaji Siidow Saraakiisha iyo Askartii la Shahiiday in uu hoygooda uu ka yeelo Jannatul Firdowsa, simir iyo iimaanna ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee ay ka tirsanaayen

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM

Mareykanka oo taageerada AUSSOM u joojinaya fashilka dagaalka Al-Shabaab iyo horumar la’aanta amniga Soomaaliya

Warqad rasmi ah oo ka soo baxday Xafiiska Ergeda Mareykanka ee Midowga Afrika, kuna taariikheysan 1-da Luulyo 2026.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:25AM