Kooxda Al-Shabaab oo "laga burburiyey maxkamad beenaadyo"

Image
Xarumahan ayaa ku yaallay degaanka Weel-Maaroow oo 42-km u jira degmada Jilib ee ay Al-Shabaab ku xooggan yihiin.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya gaar ahaan kuwa Danab oo garab ka helaya kuwa Jubbaland ayaa lagu soo waramayaa in ay ka takhaluseen xubno badan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Cutubyadan huwanta ah ayaa sheegay in ay burburiyeen goobo ay ku dhuumaaleysanayeen iyo maxkamad beenaadyo ku yaalla meel 42 KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Jilib.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ay abaabuleen howlgalo dhowr ah oo ka dhacay deegaanka Weel-Maaroow iyo goobo kale oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa baahisay in howlgalka lagu dilay 40-ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo isugu jiray horjoogayaal iyo madaxii qaraxyada ee Jubbooyinka oo magaciisa lagu sheegay Farxaan iyo ku xigeenkiisa Cabdi Mahad.

Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerar ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Danab, Jubbaland iyo Mareykanka oo ku sugnaa Afmadoow, iyagoo adeegsanaya gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa sheegtay in weerarka ay ku dileen 38 askari ayna ku dhaawaceen 43 kale. Si kastaba ha ahaatee, ma jiro illo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashada labada dhinac.

Deegaanka Weel-Maaroow oo 42-km u jira degmada Jilib ee ay Al-Shabaab ku xooggan yihiin, ayaa saldhig u ah madaxda sare ee kooxdaas oo uu ku jiro hogaamiyahooda Axmed Diiriye [Abuu Cubeyda].

Saraakiisha nabad-gelyadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in wajigii labaad ee ololaha dalka looga xoreynayo argagixisada uu dhawaan bilaaban doono ayna qeyb ka yihiin ciidamo ka imaan doona wadamadda dariska ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka oo ku kulmay Muqdisho xilli xaraaradda doorashooyinku kordheyso

Sida ay ilo xog-ogaal ahi sheegayaan, kulankii ka dhacay Hotel Airport Golaha Mustaqbalka…

  • Soomaliya

    14-02-2026

  • 09:05PM

Turkiga oo Taangiyo Dagaal Keenay Soomaaliya

Ilo-wareedyo xog-ogaal u ah arrintan ayaa sheegaya in taangiyadan la geyn doono aagga degmada Warshiikh.

  • Soomaliya

    14-02-2026

  • 02:32PM