Kooxda AS oo weerar ku qaadday Saldhig ay leeyihiin ATMIS

Image
Ciidamada ATMIS ayaa fashiliyay weerarkan oo ay ku soo qaadeen AS.

Muqdisho, Soomaaliya - Ciidamada ATMIS ayaa fashiliyay weerar ay AS ku soo qaadeen Saldhigga Howlgalka ay ku leeyihiin magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo ka furtay hub badan oo ay wateen maleeshiyada.

Taliyaha Kooxda 38-aad ee Howlgalka, Christopher Berochan, ayaa ku nuux-nuux saday baahida loo qabo in laga feejignaado weerarada ay maleegayaan AS iyo kooxaha kale oo argagaxisada ah.

Bayaan ay soo saareen Ciidamada ATMIS ayaa lagu sheegay in “Weerarka la fashiliyay uu hoosta ka xariiqayo sida ay uga go'an tahay ATMIS xaqiijinta nabadda iyo amniga gobolka."

Kooxda AS ayaa dhawaanahan fulisay weeraro ka dhan ah fariisamaha ay Ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ku leeyihiin Dowlad-Goboleedyada Jubbaland & Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM