Kooxda JCCI oo ka hadashay ciyaartoyda looga dilay Kismaayo

Image
Saddexda qof ee lagu dilay weerarkii shalay ayaa maanta lagu aasay Kismaayo. [Photo: FC JCCI]

KISMAAYO, Jubaland - Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubaland waxaa maanta lagu aasay saddex qof oo laba kamid ah ay ciyaartoy ahaayeen iyo darawal kuwaasoo dhalay ku dhintay qarax lala beegsaday gaari ay saarnaayeen agagaarka aaga Golol, sidda ay sheegeen saraakiil amni oo ka tirsan dowlad goboleedkan.

Saddexda marxuum ee maanta la duugay Eebbe ha u naxariistee waxay kala yihiin ciyaaryahankii daafaca kooxda JCCI C/fitaax Xasan C/laahi, darawalkii Baska Maxamed Aadan Muuse (Qaam) oo taagnaa qeybta danbe ee Baska oo ah halka uu qaraxu ka kacay, iyo Hanad Xuseen Yuusuf oo kamid ahaa ciyaaryahannada kana dheeli jiray Daafac Danbe.

Hanad ayaa la sheegay in Allaha u naxariistee uu xalay Isbitalka ku geeriyooday kadib markii dhaawac halis ah uu soo gaarey.

War-saxaafadeed kasoo baxay Kooxda Kubadda Cagta ee JCCI ayaa sidoo kale waxaa lagu caddeeyay in ay dhaawacyo soo gaareen ilaa 6 ciuaaryahan oo kala ah.

1. Amiin Sheekh Maxamuud
2. Cismaan Xasan Cismaan (Xiireey)
3. Maxamed Yariisow
4. Siyaad Salaad Kamas
5. Bashiir Nuur Xiroow

"Ciyaartoyda ayay dhaawacyadoodu u kala culusyihiin sida ay u kala horeeyaan. Labada u horeeysa oo dhaawacyadooda wax looga qaban waayay Kismaayo waxaa daweyn loogu qaaday magaalada Muqdisho," ayaa la raaciyey bayaanka.

Qoraalka ayaa intaas ku daray "Waxaan u mahadcelinaynaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed ee nala murgooday, tacsida iyo ducooyinkana nala soo wadaagay kadib masiibadii dhacday, si gaar ah waxaan ugu mahadcelinaynaa Bahda Isboortiga oo ay ugu horeeyso wasaaradda Isboortiga iyo Dhallinyarada Jubbaland, wasaaradda Maaliyadda, wasaaradda Caafimaadka Jubbaland, Ururka kubadda cagta Jubbaland oo dhammaantood kaalin ka geystay gurmadkii loo fidiyay dhibanayaasha".

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay falkan. Balse, saraakiisha ammaanku waxay ku eedeeyeen maleyshiyadda Al-Shabaab. Taliska boolisku wuxuu xusay in qaraxa uu ahaa mid lagu soo xiray gaariga ay baaris kuwadaan.

Weerarkan ayaa yimid maalin kadib markii Kismaayo ay ka dhacdey doorashada xubnaha Aqalka Sare ee baarlamaanka 11aad ku metelaya maamul goboleedka Jubaland. Afar kamid ah waxaa la xulay Khamiista asbuucii hore, waxaa maalmaha soo aadan la dooranayaa afarta kale oo wali aan la shaacin musharaxiinta u ordeysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM