Kooxda Xisbullah oo duqeysay fariisin ay leeyihiin ciidamada Israel

Image
Weerarkan ayaa dhimasho iyo dhaawac waxaa ku noqdey tiro askar ah.

DOOXA, Qadar - Kooxda hubaysan ee Lubnaan ayaa sheegtay in ay gantaalo la hago ku garaacday goobta milatariga Israa’iil ee Birkat Risha ee u dhow xadka, halkaas oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen tiro askar ah.

Horaantii, Xisbullah waxay sheegtay in dagaalyahanadeeda ay duqeeyeen laba goobood oo kala duwan oo ay ciidanku leeyihiin oo ku yaalla agagaarka xadka Israa'iil iyo Lubnaan.

Weerarada Xisbullah ayaa imaanaya kadib markii ciidamada Israel la sheegay inay weeraro madaafiic ah ku qaadeen deegaano ku yaala duleedka magaalooyinka Yaroun iyo Maroun al-Ras ee koonfurta Lubnaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM