Kooxo hubeysan oo Wiil dhalinyaro ah ku dilay degmada Howlwadaag

Image

MUQDISHO, Soomaaliya — Kooxo hubeysan ayaa magaalada Muqdisho ku dilay nin timo-jare ahaa, kaddib markii ay dhowr xabbadood ku dhufteen xilli uu ku sugnaa goobtiisa shaqada oo ku taalla xaafadda Baramuudo ee degmada Howlwadaag.

Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Bile Xasan Naxar. Kooxda dilka geysatay ayaa la sheegay inay ku hubeysnaayeen bastoolado, islamarkaana wejiyadoodana qarsadeen si aan loo aqoonsan, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Waxay Goobjoogayaashu sheegeen in Bile Xasan Naxar lagu dhuftay saddex xabadood, kuwaas oo labo kamid ah ay uga dhaceen madaxa.

Kaddib dilka, kooxdii falka geysatay ayaa goobta isaga baxsatay, ilaa iyo haddana lama soo qaban. Dhacdadan ayaa cabsi hor leh ku abuurtay shacabka degmada Howlwadaag, oo ka mid ah degmooyinka ay ka jiraan walaacyada amni ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, intii ay ciidamada ammaanku ku jireen baaritaanka goobta, waxay meel u dhow meydka ka heleen warqad ay ku qornayd farriin hanjabaad ah oo sheeganaysa in dilka ay ka dambeeyeen Al-Shabaab, isla markaana digniin loogu dirayay Cabdishakuur Xasan Naxar, oo ah marxuumka la dilay walaalkiisa.

Dhacdadan dilka ah, ayaa mar kale dhalisay su'aalo la xiriira awoodda ciidamada ammaanka ee sugidda amniga caasimadda, iyadoo ay weli socdaan falal dilal iyo hanjabaado ah oo cabsi ku abuuraya bulshada ku nool magaalada.

Ma aha markii ugu horreysay ee qof shacab ah lagu dilo magaalada Muqdisho. Muddadii u dambeysay ayaa waxaa soo badanayay walaaca laga qabo dilal qorsheysan iyo hanjabaado loo aaneynayo kooxda Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo oggolaaday wada-hadal cusub oo ay la yeeshaan Xasan Sheekh

Mucaaradka ayaa horey uga horyimid qorshaha dowladda ee wax-ka-beddelka dastuurka iyo hirgelinta nidaam doorasho oo cusub.

  • Soomaliya

    03-11-2026

  • 11:52AM

Macawiisleyda oo ka baxay furimaha dagaalka Hiiraan, kuna qulqulay Beledweyne

Haddii ay taasi dhacdo, waxaa sii wiiqmi kara difaaca deegaannada ay dowladda weli gacanta ku hayso, taas oo fursad siin karta Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-11-2026

  • 06:31AM