Ku dhawaad 100 Tahriibayaal ah oo dalka dib loogu soo celiyay

Image
Dhalinyaradaan dalka lagu soo celiyaya oo gaaraya 97 oo qof waxaa ka mid ah ilaa shan haween.

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Faderaalka ah ayaa saakay oo arbaco ah dalka dib ugu soo celisay dhalinyaro Soomaalieed oo mudo ku xirnaa xabsiyada dalka Liibiya, waxaana garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu horkacayay wasiirka arrimaha dibada XFS.

Dhalinyaradaan dalka lagu soo celiyaya oo gaaraya 97 oo qof waxaa ka mid ah ilaa shan haween sida ay saraakiisha waaxda Socdaalka u sheegeen Garowe Online.

Dhalinyaradaan oo markii hore ka baxday goboladda dalka ayaa raadiyay in ay qaab tahriib ah ku galaan wadamada Reer Yurub balse waxa ay xabsi iyo jirdil kala kulmeen kooxaha wax tahriibya ee ku sugan dalka Liibiya oo aysan ka jirin dowlad rasmi ah sida xilka looga tuuray madaxweynihii hore ee Liibiya Qadaafi.

Dhalinyarada qaarkood la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay kulmi jireen tacadiyo maanta ay faraxsanyihiin in ay dalkooda dib ugu soo laabteen ka dib sano ay dhibaato adag wajaheen.

Cabdisaciid Muuse Cali, Wasiirka Arrimaha dibadda oo dhalinyaradaan ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaaladda Caasimadda ah ayaa sheegay in dowladdu ka shaqaynayo soo celinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada caalamka.

Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 19 December 2021 ayaa dalka Turkiga kula kulmay Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Dalka Liibiya Maxamed Yuunis Al-menfi isaga oo kala hadlay sidii uu gacan uga gaysan lahaa xorriyad siinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Liibiya.

Labada hoggaamiya ayaa xilligaasi isla gartay in laga wada shaqeeyo badqabka Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha Dalka Liibiya.

Liibiya ayaa gashay xaalad kacsanaan ah tan iyo markii xilka laga tuuray hoggaamiyihii waqtiga dheeraa ee dalkaasi Mucammar Al-Qadaafi, oo ahaa nin awood leh waxaa dilay maleeshiyaad ay tageerayaan Nato sannadkii 2011-kii, waxaana sidaasi ku soo afjarmay maamulkii 42 sano jirsaday ee uu hoggaanka u hayay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM