Ku dhawaad ​​200,000 qof oo ku barakacay daadadka Beledwayne

Image
Ugu yaraan saddex ruux kale ayaa si rasmi ah loo xaqiijiyey in ay ku dhinteen fatahaada.

BELEDWAYNE, HirShabelle - Ku dhawaad ​​200,000 oo qof ayaa ku barakacay daadadka ka fatahay magaaladda Beledwayne ee bartamaha Soomaaliya, sidda uu sarkaal sarre u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Fatahaada ayaa timid ka gadaal markii webiga Shabeelle uu qararka jabsaday, isla markaana uu biyaha ay buux-dhaafiyeen guud ahaan waddooyinka muhiim ah ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dadka ku dhaqan magaalada ayaa guryahooda ka qaxay kaddib markii roobab xooggan ay ka da’een. Sawirro laga soo qaadey ayaa muujiyey dadka qaar oo madaxa ku qaadanaya agabkooda.

"200,000 oo qof ayaa hadda ku barakacay fatahaadda webiga Shabeelle uu ka sameeyay magaalada Beledweyne, waxaana laga yaabaa in ay sii kordhaan tirada dadka, hadda waa mid horudhac ah,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Hiiraan Cali Cismaan Xuseen.

Xuseen oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaas kusii daray: "Waxaan sameyneynaa wax walba oo aan awoodno si aan u caawinno kuwa ay dhibaatadu saameysey".

Guddoomiye ku xigeenka gobolka, Xasan Ibraahim Cabdulle, ayaa Jimcihii todobaadkii lasoo dhaafay waxa uu si rasmi ah u xaqiijiyey in saddex qof ay ku dhinteen fatahaadda.

Masiibadaan ayaa timid xilli ay taagan yihiin abaaro taariikhi ah, taasoo keentay in malaayiin Soomaali ah ay qarka u saaran yihiin macaluul iyo dagaal ba'an oo ka dhan ah Al-Shabaab oo gobolka ka socday bilooyinkii dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM