Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Addis Ababa kaga qeyb galay shir looga hadlay ATMIS

Image
Shirkan ayaa looga arrinsanayay guulaha laga gaaray howlaha howlgalka ATMIS.

Muqdisho, Soomaaliya - Wasiiru Dawlaha ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS Cali Cumar Cali (Balcad) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Addis Ababa kaga qayb galay shir uu qaban-qaabiyay Golaha Amniga iyo Nabad-gelyada Midowga Africa.

Wasiir Cali Cumar Cali (Balcad) oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay ku guulaysatay in Ciidamada xoogga dalka loo carbiyo xasilinta nabad-gelyada Soomaaliya iyo xaalufinta “AS” sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaa dalalka Africa iyo saaxiibbada Soomaaliya uga mahadceliyay dedaalka iyo garab istaagga ay ku bixiyeen “marxaladda wanaagsan ee ay xiligan Soomaaliya soo gaartay.”

Shirkan ayaa looga arrinsanayay guulaha laga gaaray howlgalka ATMIS, waxaana sidoo kale ka soo qeyb galay diplomaasiyiin ka tirsan safaaradda iyo mas’uuliyiin kala duwan oo ka mid ahaa wafdiga Wasiirka.

Khuburada Dowladda Soomaaliya kala shaqaynaysa meelmarinta iyo dhamaystirka hawl-galka ATMIS oo sanadkan si rasmi ah loo soo geba-gebayn doono ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa shirka.

Shirkan ayaa looga dooday natiijooyinka laga gaaray qorshaha Qaran ee la xiriira in ciidamada xoogga dalka Soonaaliyeed ay si buuxda ula wareegaan amniga Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM