Kufsi lagu eedeeyay ciidamada Soomaaliya oo baaritaan lagu bilaabay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Gaashaandhiga Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay soo gaartay dacwad ku saabsan kiis kufsi ah oo laba dumar loogu geystay degaanka dhowaan la xoreeyay ee Janaale, gobolka Shabeellaha Hoose.

Falkaas "foosha xun" oo dhacay 7-dii Maaj ee sanadkan 2020 ayaa lagu waramay in ay ku kaceen askar ka tirsan milatariga. Haweenay xaamilo iyo gabadh 13-jir ah ayaa lasoo wariyey in ay kala ahaayeen labada qof ee dumarka ah.

Gabadha ayaa la xaqiijiyey in ay ka wateen gudaha degaanka, halka haweenayda xaamilada ahayd ay kala dagen gaari ay la socotay, sidda ay ku warameen mas'uuliyiin iyo dad degaanka oo magacyadooda uga gaabsaday sababo.

Dhibaneyaasha oo eheladooda ay codsadeen cadaalad ayaa la tibaaxay in ay ku jiraan Isbitaal ku yaala magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, maadaama gobolka wax looga soo qaban waayey xaaladooda caafimaad oo liidata.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Waaxda Difaaca ayaa lagu caddeeyay in maxkamadda ciidamadda ay baaritaan ku bilowday kiiskaan. Cid kasta oo ay ku cadaato in ay ku lug lahayd dhacdadaas ayay xustay in la ciaqaabi doono.

"Wasaaradda waxay caddeyneysaa in aan cid loogu dulqaadan doonin ficilada foosha xun ee noocaan oo kale ah isla markaana la horkeeni doono cadaalada kuwa geysta falalka arxan daradda ah," ayaa lagu soo xiray qoraalka.

Faraxumeynta oo kamid ah tacadiyada jinsiga ah ee ka dhanka ah haweenka Soomaaliyeed ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay kasoo cusboonaadey gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana kiis lagu eedeeyay ciidanka dowladda uu kordhinayaan walaaca.

QORAALKA WASAARADDA

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM