Kulan dhexmaray Xasan Sheekh iyo Deni oo lagu kala boodey

Image
Madaxweynaha Soomaaliya iyo hogaamiyaha Puntland ayaa isku-khilaafay dhamaan qodobadii ay kawada doodeen.

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud la qaatey maalintii shalay 5/12/2022 hogaamiyaha maamulka Puntland Saciid Cabdulahi Dani kuwaas oo sida xogtaan tibaaxeyso la isku afgaran waayey intooda badan qodobadii ay kawada xaajoodeen.

Sidda uu ogaadey warsidaha Garowe Online, kulanka labada mas'uul ayaa bilowdey maalintii shalay 9:30 subaxnimo iyadoo 11:45 daqiiqo uu ku soo biirey Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Wadahadlka ayaa markii hore waxaa diirada lagu saaarey in madaxweyne Dani ka codsadey Xasan Sheekh in dowladdiisa ay faraha kala baxdo arimaha doorashada maamulka Koonfur Galbeed.

"Deni wuxuu waydiistey madaxwayne Xasan Sheekh in uu xakameeyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee ku sugan Muqdisho kuwaasoo uu ugu horeeyo Agaasimahiisa Madaxtooyadda, Xuseen Sheekh Maxamuud," ayay raaciyeen illo wareedyadda.

"Muddo kordhin sax ah"

Macluumaadka ayaa intaas ku daraya in Dani uu "ku doodayey intii kulankan lagu jirey in talaabada Madaxweynaha Koonfur Galbeed u marey xilli kordhinta sax aheyd sidaas darteedna dowlada Federaalka aysan faragalin ku sameyn arimaha gudaha maamul goboleedyada".

"Madaxwayne Xasan Sheekh waa uu ku gacan-seyray arrintaas. Wuxuu ku adkeystay in dowladda federaalka mas'uuliyad ka saaran taahy ilaalinta shuruucda dalka oo ay ku jiraan maamuladda," ayay raaciyeen illaha.

Wasiirka koowaad Xamse oo kulankaan kasoo baxay 1:45 PM ayaa, sidda uu ogaadey warsidaha GO, wuxuu kasoo baxay shirka 15-daqiiqo kahor inta uusan miiska kasoo kicin madaxwayne Deni.

"Madaxwayne Deni wuxuu kulankan kadib uu telefoon kula hadlay madaxwaynaha Koonfur Galbeed una sheegay in is-araggan uu kusoo dhamaadey guuldaro isla markaana uu degdeg ku gaaro Baydhabo," ayay raaciyeen ilaha.

Damaca Deni ee 2026-ka

Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa la filayaa in Talaadada maanta ah uu dib ugu laabto Baydhabo. Wasiirka warfaafinta Koonfur Galbeed ayaa shalay sheegay sida Puntland sameyso masaafurin doonan mas'uuliyiinta federaalka hadii amar la'aan tagaan Baydhabo.

Laftagareen ayaa qorsheynaya in xilka madaxweynaha maamulkaas hayo tan iyo inta laga gaarayo doorashada madaxweynaha Soomaaliya 2026, halka Dani isku-dayayo inuu kororsi sharci daro ee u maro doorashooyinka golayaasha degaanka ka sameeyo Puntland.

Dani ayaa la rumeysan yahay inuu Laftagareen ka rabo Xildhibaanda Federaalka laga soo dooranayo Koonfur Galbeed isagoo ah musharax madaxwayne mar kale doorashooyinka sanadka 2026.

"Madaxwaynaha Puntland wuxuu sidoo kale ula safanayaa Laftagareen si uu uga helo iskaashi si lamid ah Axmed Madoobe oo haatan xiriirka kala dhaxeeya uu gabi ahaanba xumaadey," ayay GO u sheegeen dad xog-ogaal ah.

Danaha is-diidey ee qaadka

Dhanka kale, Deni ayaa intii uu socday shirka wuxuu dalbadey in uu saami ka helo khidmada laga qaado qaadka gaar ahaan suuqa la filayo in laga siiyo Puntland. Hase ahaatee, warar ayaa sheegaya in Xasan Sheekh uu diidey arrintaas.

Fahfaahinada qaar ayaa intaas ku daraya in khilaafka Deni iyo Axmed uu ka dhashay natiijadda uu madaxweynaha Puntland kala kulmay doorashaddii Soomaaliya ee dhacdey todoba bilood kahor.

"Waxaa tan iyo intii ay dhacdey doorashada Madaxweynaha Soomaaliya meel sare mareyey xiriirka u dhexeeya Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Koonfur Galbeed kaas oo salka ku haya dano siyaasadeed," ayay qireen illo wareedyadda.

Laftagareen ayaa kamid ah madaxwayneyaasha maamuladda ee uu dhisay maamulkii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Ololihii doorashadda ee soo dhamaadey May, 15, 2022 waxaa uu madaxweynaha Koonfur Galbeed si muuqata ugu ololeeya Farmaajo. Talaabadaas ayaa loo arkaa in ay u soo jiideyso cadaawada uu hadda wajahayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM