Kulane oo la dalbadey in maxkamad lasoo taago

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxii shaqaalaha NISA ee xilka laga qaadey Cabdullaahi Aadan Kulane waa maxkamad loosoo taagaa "dambiyada uu ka geystay gobolka Gedo," sida uu ku baaqqy Gudoomiyihii hore ee Gobolkaas.

Cusmaan Nuur Xaaji Macalimuu oo shir jaraa'd ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka bogaadiyey Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya uu shaley xilka kaga qaaday madaxii Shaqaalaha Hay'adda sirdoonka Soomaaliya iyo taliyaha Nabad-sugidda ee Garoonka Aadan Cadde.

"Waxaan baaq u dirnay Ra'iisul Wasaaraha, xaqiiqdii Ra'iisul Wasaaraha wuxuu kasoo jawaabay si deg deg ah, Ra'iisul Wasaaraha qaranka aad buu u mahadsan yahay" ayuu yiri Macalimuu.

Wuxuu ku daray: "Dhibaatooyinkii gobolka Gedo uu ka geystay aniga waxaan qabaa in maxkamad lagu saaro sharci ah, toddobo bilood ayuu xabsiga igu hayay anoo soo shaqeeyay".

Rooble ayaa Jimcadii eryay madaxii shaqaalaha Hay'adda sirdoonka Soomaaliya, Cabdullaahi Aadan Kulane, iyo Cabdiwahaab Sheekh cali, Taliyaha Nabad-sugidda ee Garoonka Aadan Cadde.

Talaabadan waxaa sabab looga dhigay in shalay garoonka laga celiyay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Gedo, Cusmaan Nuur Xaaji Macalimuu, oo ku sii jeeday Magaalada Garbohaarrey ee Gobolka Gedo.

Wasiirka koowaad ee Soomaaliya ayaa dhowaan soo saaray amar ahaa in qof muwaadin Soomaali ah aanan laga celin karin in uu ka dhoofo garoomada dalka. Balse, Gudoomiyihii hore ee Gedo ayaa markale laga celiyay garoonka Muqdisho.

Kulane oo xilkiisa dhabta ah uu ahaa madaxa shaqaalaha NISA balse ku shaqeynayey taliye ku xigeenka hay'adda waxaa uu ku dhow yahay agaasimaha guud ee hay'adda Fahad Yaasiin Daahir iyo madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo oo xil ka qaadistiisa diidan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM