Kulanka Gollaha shacabka oo furmay [Akhri Ajandooyinka]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa goordhow si rasmi ah u furmay kulanka 2-aad kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

War kasoo baxay gudoonka ayaa lagu sheegay in 156 xildhibaan ay kulanka soo xaadirtay, iyadoo uu shir gudoominayo guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Kulanka ayaa saacadihii hore qarka u saarnaa inuu Kooram la'aan u baaqdo markale, iyadoo loo baahday in Gudoomiye Mursal uu waqti dheeri ah ku daro saacadii loogu talo galay inuu furmo.

Xildhibaanada Wasiiradda ah ayaa la sheegay inay xagal-daacin ku hayaan shaqada Gollaha, iyagoo aan soo xaadirin inta badan kulamad muhiimka ah, ee looga doodayo masiirka dalka iyo ajandooyin muhiim ah.

Xubnaha mucaaradka ee ku jira Gollaha Shacabka ayaa dhawaan u gudbiyay Mursal Mooshin ay ku dalbanayaan in xaaladda amniga Muqdisho laga dhigo ajandooyinka ugu horeeya ee kulamada Baarlamaanka.

Baarlamaanka 10aad ayaa shaqadiisa gaabis ah, iyadoo shaqooyinka u yaalla ay badan yihiin ayaa waxaa aad u  badan baaqashada kulamadiisa, taasoo lagu micneeyay inay sabab u yahay awoodihiisa oo la wareegtay laanta fulinta. 

HALKAAN KA AKHRI AJANDIYAASHA LAGA DOODAYO:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM