Kulankii Maanta ee Golkaha Shacabka oo baaqday [Akhri Sababta]

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dib u dhac ayaa ku yimid Kulankii maanta la filayay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay ku yeeshaan xarunta Gollaha Shacabka, xilli meesha uu ka baxay Mooshinkii Khilaafka dhaliyay ee laha keenay Maxamed Cismaan Jawaari.

Cabdiweli Ibraahim Muudey, gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Gollaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay inuu baaqday Kulanka, isagooo ku wargeliyay Xildhibaanada in uusan jirin maanta wax fadhi ah.

Fariimo iska soo horjeeda ayaa loo diray xalay Xildhibaanada, kuwaasi oo midna loogu yeerayo Kulanka, mida kale ee uu diray Muudey-na lagu wargeliyay Mudaniyaasha inuu baaqday Kulankii Arbacada, oo maanta ku beegan.

Xogheynta Gollaha Shacabka ee taageersan Jawaari ayaa farriinta Xildhibaannada u dirtay ku wargelisay inay soo xaadiraan shirka  oo khudbad uu ka jeedin doono guddoomiyaha is casilay, waxaana fariintan khilaafay garabka Xildhibaanada uu hogaamiyo Muudey.

Cabdiweli Muudey ayaa isna xalay u diray Xildhibaanada fariin tan khilaafsan, oo uu ku sheegay inuusan jirin wax kulan ah oo Gollaha Shacabka uu yeelanayo, illaa amar dambe.

Jawaari oo shalay ka hadlayay Shir jaraa'id oo isaga iyo Madaxweyne Farmaajo ku qabteen Villa Soomaaliya, ayaa sheegay inuu Gollaha Shacabka ka jeedin doono Kulankiisii maanta ee baaqday Khudbad uu kaga hadlayo is-casilaadiisa, sidoo kalena amaanada uu hayay dib ugu celinayo Gollaha. Halkan ka akhri Warbixinta.

Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaan yeelan wax kulan ah wixii ka dambeeyay markii la keenay Mooshinkii kalsooni kala noqoshada ee ka dhanka ah Jawaari bishii lasoo dhaafay, iyadoo ay baaqdeen in ka badan 10 Kulan/fadhi.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM