Kulankii Maanta ee Golkaha Shacabka oo baaqday [Akhri Sababta]

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dib u dhac ayaa ku yimid Kulankii maanta la filayay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay ku yeeshaan xarunta Gollaha Shacabka, xilli meesha uu ka baxay Mooshinkii Khilaafka dhaliyay ee laha keenay Maxamed Cismaan Jawaari.

Cabdiweli Ibraahim Muudey, gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Gollaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay inuu baaqday Kulanka, isagooo ku wargeliyay Xildhibaanada in uusan jirin maanta wax fadhi ah.

Fariimo iska soo horjeeda ayaa loo diray xalay Xildhibaanada, kuwaasi oo midna loogu yeerayo Kulanka, mida kale ee uu diray Muudey-na lagu wargeliyay Mudaniyaasha inuu baaqday Kulankii Arbacada, oo maanta ku beegan.

Xogheynta Gollaha Shacabka ee taageersan Jawaari ayaa farriinta Xildhibaannada u dirtay ku wargelisay inay soo xaadiraan shirka  oo khudbad uu ka jeedin doono guddoomiyaha is casilay, waxaana fariintan khilaafay garabka Xildhibaanada uu hogaamiyo Muudey.

Cabdiweli Muudey ayaa isna xalay u diray Xildhibaanada fariin tan khilaafsan, oo uu ku sheegay inuusan jirin wax kulan ah oo Gollaha Shacabka uu yeelanayo, illaa amar dambe.

Jawaari oo shalay ka hadlayay Shir jaraa'id oo isaga iyo Madaxweyne Farmaajo ku qabteen Villa Soomaaliya, ayaa sheegay inuu Gollaha Shacabka ka jeedin doono Kulankiisii maanta ee baaqday Khudbad uu kaga hadlayo is-casilaadiisa, sidoo kalena amaanada uu hayay dib ugu celinayo Gollaha. Halkan ka akhri Warbixinta.

Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaan yeelan wax kulan ah wixii ka dambeeyay markii la keenay Mooshinkii kalsooni kala noqoshada ee ka dhanka ah Jawaari bishii lasoo dhaafay, iyadoo ay baaqdeen in ka badan 10 Kulan/fadhi.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM