Kumaandooska Soomaaliya oo dilay "xubno badan" oo Shabaab ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyeen gobolada Shabeellaha Hoose iyo Dhexe ay ku dileen xubno Shabaab ah kuna soo qabteen tirro kale.

Howlgalkaas oo xili habeen ah la qaadey ayaa waxaa sameeyay kumaandooska uu sidda gaarka ah u tababaray Mareykanka.

Sidda ku xusan war-saxaafadeed, dhaqdhaqaaqaas ciidan waxaa laga fuliyey agagaarka magaalooyinka Balcad iyo Afgooye.

"Howlgalka oo aan wax khasaaro ah kasoo gaarin Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed waxaa uu kusoo dhamaadey si guul ah," ayuu yiri sarkaal sababo jira awgeed kaga gaabsaday in la sheego magaciisa.

Illo dhanka ammaanka ah ayaa tibaaxaya in xubnaha "tiradda badan" ee Al-Shabaab lagu kadiyey iyagoo ku dhex-jiray beer ku taala Basra.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in shaqsiyaadka lasoo qabtay ay yihiin kuwa la tuhunsan yahay oo baaritaano loo diray.

"Howlgalka wuxuu ahaa mid qorsheysan, dib ayaana kasoo sheegi doonaa fahfaahinta," ayuu yiri sarkaalka u waramay Garowe Online.

Dhaqdhaqaaqa ciidan ayaa yimid iyaddoo xalay qaraxyo culus laga maqlay nawaaxiga magaalooyinka Balcad iyo Afgooye, inkastoo aan la ogeyn waxay ahaayeen; duqeyn cirka ah ama hoobiyeyaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 220 duqeyn cirka ah tan iyo Febraayo ay daciifisay Al-Shabaab

Ciidamada AUSSOM iyo U.S. Africa Command ayaa lagu amaanay duqeymaha istiraatiijiga ah iyo taageerada dagaallada dhulka.

  • Soomaliya

    06-11-2025

  • 06:27AM

Puntland oo diiday hirgelinta nidaamka e-visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Khubarada siyaasadda ayaa sheegay in arrintan ay sii muujinayso khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.

  • Soomaliya

    05-11-2025

  • 07:27AM