Kumaandooska Soomaaliya oo dilay "xubno badan" oo Shabaab ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyeen gobolada Shabeellaha Hoose iyo Dhexe ay ku dileen xubno Shabaab ah kuna soo qabteen tirro kale.

Howlgalkaas oo xili habeen ah la qaadey ayaa waxaa sameeyay kumaandooska uu sidda gaarka ah u tababaray Mareykanka.

Sidda ku xusan war-saxaafadeed, dhaqdhaqaaqaas ciidan waxaa laga fuliyey agagaarka magaalooyinka Balcad iyo Afgooye.

"Howlgalka oo aan wax khasaaro ah kasoo gaarin Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed waxaa uu kusoo dhamaadey si guul ah," ayuu yiri sarkaal sababo jira awgeed kaga gaabsaday in la sheego magaciisa.

Illo dhanka ammaanka ah ayaa tibaaxaya in xubnaha "tiradda badan" ee Al-Shabaab lagu kadiyey iyagoo ku dhex-jiray beer ku taala Basra.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in shaqsiyaadka lasoo qabtay ay yihiin kuwa la tuhunsan yahay oo baaritaano loo diray.

"Howlgalka wuxuu ahaa mid qorsheysan, dib ayaana kasoo sheegi doonaa fahfaahinta," ayuu yiri sarkaalka u waramay Garowe Online.

Dhaqdhaqaaqa ciidan ayaa yimid iyaddoo xalay qaraxyo culus laga maqlay nawaaxiga magaalooyinka Balcad iyo Afgooye, inkastoo aan la ogeyn waxay ahaayeen; duqeyn cirka ah ama hoobiyeyaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM