Kursi hal milyan oo dollar ku baxdey oo lagu doortay Jowhar

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Cod iibsiga iyo laaluushka ayaa dhabar-jab ku noqday nidaamka dowladnimada dalka Soomaaliya oo 30-sano kusoo jiray fowdo siyaasadeed iyo colaado.

Doorashadda hadda ka dhacaysa Caasimadaha Dowlad Goboleedyada dalka ayaa laa soo calaamadeeyay musuq-maasuq iyo cadaalad darro xooggan.

Kuraasta illaa hadda la doortay intooda badan si hufan looguma tartamin, iyadoo Madaxda Maamullada qaar ay sameeyeen wax u eg boob doorasho.

Codbixintii shalay ka dhacday Jowhar, waxaa lagu doortay saddex kursi, kuwaasoo midkii ugu adkaa tartankiisa kusoo baxay Muuse Suudi oo afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyay.

Xildhibaanada ayaa tartanka kursiga ku helay lacag aad u badan oo laaluush ah, oo ay ka qaateen Musharixiintii isku soo taagey, oo ay kamid yihiin Muuse Suudi, C/llaahi Sheekh Xasan, Dr Cadaay iyo Axmed Daaci.

Qiimaha lacageed ee ku baxday Kursiga ayaa lagu qiyaasay ku dhawaad hal milyan oo dollar, waxaana uu jebiyay record-ka kursiga ugu qaalisan kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad, oo ka kooban 54.

C/llaahi Sheekh Xasan oo Villa Somalia ka socday marka laga reebo xubnaha kale ayaan ka fogeyn mucaaradka dowlada kuwaas oo xubno kamid ah Musharaxiinta yihiin. 

Muuse Suudi ayaa Xildhibaan walba la sheegay inuu siiyay $3,000, Axmed Daaci [$2,000], C/llaahi Sheekh Xasan [$3,300], waxaana Dr Cadaay la sheegay inuu bixiyay lacag gooni ah oo cadadkeeda la sheegin.

Tirada guud ee Xildhibaanada codeysay waxay gaarayeen 98, waxaana mid walba helay $8,300, taasoo ka dhigay in Kursigan ku baxdey lacag gaareysa $813,400, oo usii dheer $80,000 oo diiwaangelin ah.

Waxay sidoo kale Musharixiinta lacag badan ku bixyeen ololaha doorashadda Jowhar, waxaana Maamulka HirShabelle sanadkan noqonayaa midkii ugu tartanka adkaa kuraasta Aqalka Sare.

Maamulada kale ayaa sidoo kale doorashada aqalka sare lacag ku baxahey kuwaa soo siiyey xildhibaanada si ay ugu ansaxaiyaan xubnaha ay u soo qorteen xubnaha aqalka sare. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubaland oo qabatay rag maleegayay weerar burcad-badeednimo

Laba tuhmane kale ayaa la sheegay inay baxsadeen kuwaas oo ay haatan ku raadjoogaan laamaha ammaanka.

  • Soomaliya

    05-05-2024

  • 04:29AM

Madaxwayne Xasan Sheekh oo sagootiyay Ergayga Qaramada Midoobay

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Catriona Lainga, doorka ay ka qaadatay iskaashiga Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    05-05-2024

  • 04:21AM