Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha oo gaaray Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Waxaa dhawaan gaaray magaalada Dhuusamareeb Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hogaaminayo, iyaga oo sii diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb.

Mas’uuliinta soo dhaweeyay ayaa ka mid ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo sidoo kale shaqsiyaad xilal ka haaya Dowlad-Goboleedka Galmudug iyo Dowladda Federaalka.

Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filaya in uu magaalada Dhuusamreeb kulamo kula qaato madaxda sare ee dowladda oo halkaas ku sugan iyaga oo ka wada hadli doona dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa haatan martigelinaysa madaxda ugu sarreeya dalka iyada oo ay soo gaareen todobaad ka hor Gudoomiyayaasha laba aqal, halka Madaxweynaha uu halkaas fadhi ka dhigtay si uu u kuurgalo dagaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM