Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha oo gaaray Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Waxaa dhawaan gaaray magaalada Dhuusamareeb Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hogaaminayo, iyaga oo sii diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb.

Mas’uuliinta soo dhaweeyay ayaa ka mid ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo sidoo kale shaqsiyaad xilal ka haaya Dowlad-Goboleedka Galmudug iyo Dowladda Federaalka.

Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filaya in uu magaalada Dhuusamreeb kulamo kula qaato madaxda sare ee dowladda oo halkaas ku sugan iyaga oo ka wada hadli doona dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa haatan martigelinaysa madaxda ugu sarreeya dalka iyada oo ay soo gaareen todobaad ka hor Gudoomiyayaasha laba aqal, halka Madaxweynaha uu halkaas fadhi ka dhigtay si uu u kuurgalo dagaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM