Kuwait oo ka taageereysa Soomaaliya xakameynta Coronavirus

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa khadka telefoonka kula hadlay dhigiisa Kuwati, Sheekh Sabaax Khaled Al-Xamad Al-Sabaax, sidda uu soo bandhigay xafiiskiisa.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Khayre ayaa lagu shaaciyey in dhinacyadda ay kawada hadleen mawduucyo kala duwan.

Arrimaha ay isla soo qaadeen, waxaa kamid ah ololaha ka hortagga Coronavirus iyo in dowladda Kuwait ay caawiso Soomaaliya.

"Ra'iisul Wasaare Hassan Ali Khaire ayaa caawa  [24-ka April, 2020] khadka teleefanka wada hadallo kula yeeshay dhiggiisa dalka aan walaalaha nahay ee Kuwayt Sheekh Sabaax Khaled Al-Xamad Al-Sabaax. Waxay ka wada hadleen iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda, waxay isla soo qaadeen sida ay Kuwayt Soomaaliya garab uga siin karto xakamaynta safmarka," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kooban ee xafiiska Khayre.

Marka laga soo tago shaac ka dhigida xafiiska wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah, ma jiro fahfaahin dhinaca Al-Sabaax kasoo baxdey.

Soomaaliya ayaa laga xaqiijiyey 328 kiis oo ah Coronavirus ah; intaas waxaa wehlisa 16 qof oo dhimasho ah iyo sideed bogsasho ah.

Dhanka Kuwait, kiisaska Covid-19 waxay kor-u-dhaafayaan laba kun, 15 geeri ah ayaa wehlisa si lamid ah 613 oo ka caafimaadey.

Guud ahaan caalamka, sidda ay muujineyso xogtii ugu dambeysay ee la diiwaan-geliyey, tiradda kiisaska waa 2.79 milyan oo ruux; 781-kun oo ka bogsootay iyo 196-kun qof oo uu galaaftay caabuqa safmarka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM

Maxkamadda Racfaanka Banaadir oo Sacdiya Bajaaj xorriyaddeeda dib ugu celisay

Go’aanka Maxkamadda Racfaanka ayaa ugu dambeyn meesha ka saaray xukunkii saddexda sano ahaa.

  • Soomaliya

    12-08-2026

  • 02:21PM