La taliyaha Madaxweynaha JFS oo sheegay in Itoobiya ay ka faa’iidaysanayso “quusta Somaliland”

Image
Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa si qoto dheer uga hadlay is-afgaradkii Itoobiya & Somaliland.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow, oo ah la-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha nabadda iyo dib-u-heshiisiinta, ayaa Warbaahinta Al Carabiya.net u sheegay in “heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay kala saxiixdeen Abiy Axmed iyo Muuse Biixi uu yahay mid khatar ku ah Soomaaliya, Itoobiya, shucuubta Geeska Afrika iyo sidoo kale Badda Cas.

Baadiyow ayaa yiri “Soomaaliya waxay go’aansatay inay dhisto dhowr dekadood oo ku teedsan xeebaha si loo kobciyo xiriirka ganacsi ee kala dhexeeya Itoobiya 4 dowlad goboleed, taasoo ah tusaale u ah deris wanaagga, dekedahaasi waa dekedda Garacad ee Puntland, dekedda Hobiyo ee maamul goboleedka Galmudug, dekedda Cadale ee Hirshabeelle, iyo dekedda Marka ama dekedda Baraawe ee Koonfur-galbeed.”

Waxa uu intaasi ku daray “Waxa la filayey in dhammaan dekedahaasi lagu xiririyo xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya, Itoobiyana ay si sharci ah u isticmaali kartay,” balse ay samaysay qorshe kale oo xad-gudub ku ah qarannimada Soomaaliya.

Waxa kale oo uu u arkay in Abiy Axmed uu isku dayayo inuu ka faa’iidaysto himilooyinka Somaliland ee ku aaddan helista aqoonsi caalami ah, isla markaana uu ka taageero dhinacaas si uu u helo deked.

Baadiyow ayaa yiri: "tallaabadani waxaa loo arki karaa isku day lagu doonayo in lagaga faa'iidaysto quusta Somaliland si ay u hesho aqoonsi diblomaasiyadeed."

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM